Wasiir ku-xigeenkii hore arrimaha dibad oo sharaxay ahmiyadda Dooddii Baarlamanka Ingiriisku u leedahay Aqoonsiga Somaliland

0
805

“arrinta ugu muhiimsan ee doodda loo qabanayey waxa weeyaan sidii ay dawladda Ingiriisku u bedeli lahayd mowqifkeeda wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya…”Amb. Kaysar Cabdilaahi

London(Dawan)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda arrimaha dibada, xilal kala duwana ka soo qabtay dalka Ambasadoor Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo waraysi ku saabsan dooddii ay Baarlamanka Ingiriisku ka yeesheen qadiyadda Somaliland, siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacada VOA-da , isagoo ku sugan Magaalada Bristol maanta, ayaa sheegay in la jooggo xilligii adduunka aqoonsan lahaa jamhuuriyadda Somaliland, Ingiriiskuna uga noqon lahaa hormuud.
Ambasadoor Kaysar, waxa uu tilmaamay in doodda Baarlamanka Ingiriisku ay ku timi xaalad salka ku haysa wakhtigan waayaha ku geddaaman mandaqada iyo muhiimada uu u leeyahay aqoonsiga Somaliland nabad-gelyada, xasiloonida iyo ganacsiga caalamka iyo gobolka.
Waxa uu intaasi ku daray inay dooddaha noocan ahi ka abuurmeen guulaha ay Somaliland gaadhay soddoonkii sannadood ee ay jirtay, oo ay kamid yihiin dhismaha dawladnimo, nabad-gelyada, nidaamka dimuquraadiyada, koboca dhaqan-dhaqaale, kuwaasoo aanay cidina ka caawin, iyadoo ah waddan aan adduunku aqoonsanayn.
“dooddani waxay ahayd dood aad iyo aad muhiim u ah oo Somaliland ahmiyad weyn u leh, waxay ahayd dood heerkeedu aad u sareeyo oo markii ugu horaysay lagu qabtay Chamber-ka weyn, waanay ka duwanayd dooddihii hore uga dhici jiray baarlamanka. dad hore xilal uga soo qabtay xukuumadda Ingiriiska iyo kuwo iminka xilal haya oo Baarlamankana ka tirsan ayaa ka qaybgalay.
markaa waxay ahayd dood tilmaamaysay in la gaadhay xilligii ay Somaliland dunidu aqoonsan lahayd, isla markaana Dawladda Ingiriisku bedeli lahayd fikirkeeda ku aaddan aqoonsiga Somaliland.
ahmiyadda ay u leedahay baarlamanka Ingiriiska, waxa weeye xildhibaannadu waa saaxiibada Somaliland u ololleeya qadiyaddeed, waxaana iminka dardar geliyey in la gaadhay wakhtigii Somaliland a aqoonsan lahaa”
Wasiir ku-xigeen hore Kaysar Cabdilaahi Maxamed, waxa iftiimiyey inay xildhibaanada Ingiriisku yiqiinsan yihiin, sidii ay Somaliland ugu hiilaysay dalkooda dagaalkii labaad iyo kii koowaad ee adduunka, maantana ay tahay inay iyagu taageeraan qadiyada aqoonsiga JSL.
Waxaanu yidhi “sidii ay Xildhibaanaduba ku dooddayeen xilli ay ingiriisku u baahnaayeen Somaliland ee dagaalkii koowaad iyo labaad ee addunka ayey Somalilanc caawisay, maantana ay Somaliland u baahan tahay taageeradooda, waxaana la soo gaadhay runtii xilligii la aqoonsan lahaa, dalkan Ingiriiskuna uu hormuud ka noqon lahaa rabitaanka qaranka Somaliland.
mana aha Ingiriiska oo qudha’e wadamo badan ayaa Indhaha ku haya dalka Somaliland oo ay qaarkoodna xafiisyo ka furteen, kuwo kalena iminka hawshoodu socoto”
Ambasadoor Kaysar oo wax laga waydiiyey sida ay isu waafaqayaan mowqifka Xukuumadda Ingiriiska ee odhanaya inay qadiyadda Somaliland ku xidhan tahay wadahadallada u socda Soomaaliya iyo doodda ay Xildhibaanada Baarlamankeedu fureen, ayaa ku jawaabay;-
“arrinta ugu muhiimsan ee doodda loo qabanayey waxa weeyaan sidii ay dawladda Ingiriisku u bedeli lahayd mowqifkeeda wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay dib u eegis ku samayso siyaasaddeed arrimaha dibada, maadaama aanay jirin dawlad Soomaaliya la yidhaahdo oo ay la hadasho Somaliland”

Leave a Reply