Juventus oo ka Hadashay Wararka la Xidhiidhinaya Anthony Martial

0
279

Agaasimaha kooxda Juventus Maurizio Arrivabene ayaa meesha ka saaray in ay kooxda reer Italy u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Manchester United ee Anthony Martial.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee United Ralf Rangnick ayaa shaaca ka qaaday bishii hore in 26 jirkan uu codsaday in uu isaga tago kooxda isaga oo ku guul daraystay in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

Juventus ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay dhowr kooxood oo ay ku jiraan Barcelona, ​​Sevilla, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur, kuwaas oo xiiseynaya xiddiga reer France.

Si kastaba ha ahaatee, Arrivabene ayaa u sheegay saxafiga Fabrizio Romano in aysan “suurtogal ahayn” in Juve ay ku bixiso lacag amaah ah iyo waliba mushaharka buuxa ee Martial.

“Xaaladaha hadda jira, maahan heshiis macquul ah anaga, iyadoo la tixgalinayo tirooyin gaar ah, ma jiraan wadahadalo horumarsan – kama fileyno man united lacag dhimis”ayuu Arrivabene yidhi.

 

Leave a Reply