Saddex Xiddig oo uu Ralf Rangnick Maamulka United u Sheegay inaanay Tayo ay Kooxda ku Joogaan lahayn

0
308

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ralf Rangnick ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay maamulka kooxdaas tiraba saddex ciyaaryahan oo uu u arko kuwo aan lahayn tayo ay ku metelaan kooxda.

Saddexdaas xiddig ayaa kala ah saddexda difaac ee reer England ee kabtan Harry Maguire, Aaron Wan-Bissaka iyo Luke Shaw sida uu sheegayo saxafi Graeme Bailey.

Aan ku bilawnee Aaron Wan-Bissaka iyo Shaw ayaa ahaa kuwo booskoodii waayay tan iyo imaatinkii tababaraha ree Germany oo isagu doorbidayay inuu ku ciyaaro Diogo Dalot iyo Alex Telles oo aan wax fursad ah oo badan ka heli jirin macalinkii hore ee Ole Gunnar Solskjaer.

Intaas waxa dheer in laba sano kahor Rangnick oo aan ahayn tababaraha Man United uu waraysi ku sheegay in Luke Shaw uusan ahayn ciyaaryahan ah heerka Man United.

Dhinaca kale daafaca dhexe ee Maguire ayaa ugu dambayn kulankii ugu dambeeyay ee Aston Villa booskiisa waayay kaddib qaabka gaabiska ah ee uu ku jiray xilli ciyaareedkan oo dhan.

Rangnick ayaa kahor kulankii ay barbardhaca lasoo galeen Villa sheegay in Maguire ugu dambayn booskiisa waayay oo lagaga horeeyo.

 

Leave a Reply