FIFA oo Isbeddel ku Samaysay Sharciga Suuqa & Chelsea oo Noqotay Kooxda Dhibta ugu Badani kasoo Gaadhayso

0
438

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa soo saaray shuruuc cusub oo dhinaca suuqa ah, kuwaas oo saamayn gaar ah ku yeelan doona kooxda kubadda cagta Chelsea oo noqonaysa naadiga dhibaatada ugu badan kasoo gaadho.

Laga bilaabo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda ee bisha July, Chelsea ayaa ku qasbanaan doonta inay beddesho siyaasaddeeda, isla markaana ay xal u hesho ciyaartoyda tirada badan ee ay ku bixiso amaahda.

Sharciga cusub ee FIFA ayaa waxa uu xaddidayaa tirada kooxuhu ay ku diri karaan amaah amaba ay kusoo qaadan karayaan, waxaana durba uu madax-xanuun ku noqonayaa Chelsea oo in ka badan 21 ciyaartoy ay amaah ugu maqan yihiin.

Blues oo intay dhaaftay amaahda ciyaartoyda lagu diro xataa gaadhay heer ay tababareyaal ku dirto amaah, ayaa waxa uu sharcigan cusub ku qasbi doonaa in ay beddelaan siyaasaddoodii ahayd inay ciyaartooyo tiro badan kasoo saaraan kulliyadda, kaddibna amaah ku diraan.

FIFA ayaa go’aamisay in koox kasta ay lasoo saxeexan karto siddeed ciyaartoy oo amaah ah amababa ay ku diri karto siddeed laacib, laga bilaabo bisha July.

Tiradan ayaa sii yaraan doonta sannadba sannadka ka dambeeya. Marka la gaadho xilli-ciyaareedka 2023/24, waxa tirada ciyaartoydu ay kooxuhu amaahda ku bixin karayaan ama  kusoo qaadanayaan ay noqon doonaan toddoba ciyaartoy, waxaanay hoos usii dhici doonaan xilli-ciyaareedka xiga ee 2024/25 oo loo ogolaan doono in lix ciyaartoy oo kaliya amaah lagu diro.

Ciyaartoyda Chelsea kaga maqan amaahda waxa ka mid ah Tiemoue Bakayoko oo AC Milan jooga iyo Michy Batshuayi oo Besiktas ku maqan, waxaanay tusaale u yihiin in xiddigo waaweyn oo aan xataa da’yar ahayn ay ku direen amaah iyagoo lacago badankasoo bixiyey.

Arrinta ka farxinaysa kooxaha ciyaartoyda tirada badan haysta ee uu sharcigani dhibaatada ku yahay, ayaa waxay heleen fakaag ama fursad kale oo ay wali amaah ugu sii diri karayaan ciyaartoydooda.

Sharcigan ayaa ay FIFA sheegtay in aanu saamayn doonin amaahda maxalliga ah ama dalka

Leave a Reply