Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Dalka Canada oo soo Dhawaysay Go’aankii Maxkamadda Sarre

0
298

Ottawa (Dawan) Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee dalka Kanada Layla Maxamed Nuur ayaa soo dhawaysay go,aankii Maxkamadda sarre ka soo saartay dhaqangalnimada Xeer lambar 14 ee furista Ururada Siyaasada iyo Axsaabta.

Marwo Layla Maxamed Nuur ayaa waxa ay sheegtay in sharci tahay in la furo Ururada Siyaasada tobankii sannaba mar,waxaa ay tilmaantay in Xeer lambar 14 uu yahay mid lagu soo dhaqmayay oo sharciya.

Layla Maxamed oo Arimahaasi ka hadlayay waxa ay tidhi”Waxa aan soo dhawaynayaa Go,aankii Maxkamadda sarre soo saartay ee furista Ururada Siyaasada dalka Somaliland,waana wakhtigii ku munaasibka ahaa ee in Tobankii sannaba mar la furo Ururada Siyaasada,xeerka furista Ururada maaha Xeer muran galin kara waa Xeer aynu ku soo dhaqmaynay,mana aha in Xisbiyadda Mucaaradka muran ka keenaan waayo dhalinyaro badan ayay muhiim u tahay furista Ururada Siyaasada oo han Siyaasadeed leh oo doonaya in dalkooda wax u qabtaan,”.

Sidoo kale Marwo Layla ayaa waxa ay usoo jeedisay Shacabka Somaliland in Nabada ilaashadaan.Waxaana ay tidhi”Waxaana aan leeyahay Bulshada reer Somaliland nabada ilaashada,siyaasada Wadanka meel fiican ayay maraysaa.waana in lagu fara adaygo nabada oo ah waxa ugu qaalisan abaaraha dalka ka jirana ilaahay ha,inaga saaro,”.

Leave a Reply