Dawladda Hoose ee Laascaanood oo Fulisay Olole Nadaafadeed

0
285

 

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Dawladda hoose ee degmadda Laascaanood ayaa Jimcihii shalay fulisay hawl-gal Qashinka lagaga gurayo Toga Farxaskule ee magaaladda Laascaanood.

Waxaana ololahaasi Qashin nadiifinta ah hogaaminayay Maayar ku-xigeenka degmada Laascaanood ahna duqa magaaladaasi Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-kowte), iyadoo kaashanaysay shirkadaha ka shaqeeya hawlaha nadaafadda.

Maayar ku-xigeenka waxaa hawl-galkaasi ku wehelinayay agaasimaha Arrimaha Bulshada ee dawladda hoose ee Laascaanood Jaamac Cali Xaashi, xubno ka mid ah golaha deegaanka Lascaanood, iyo masuuliyiin ka tirsan shaqaalaha dawladda hoose ee Laascaanood.

Maayarka degmada Laascaanood Axmed Maxamuud Cumar, oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshadda magaaladda ugu baaqay in ay kala qayb qaataan ololaha nadaafadeed ee ay dawladda hoose ka waddo xaafadaha magaaladaasi.

Maayar ku-xigeenka degmada Laascaanood ahna duqa magaaladaasi Axmed Maxamuud Cumar (Axmed-kawte), ayaa u mahad celiyaya shirkadaha kala shaqeeya ololahani nadaafadeed.

Waxaanu sheegay maayar ku-xigeenka Laascaanood in maalin kastoo Jimce gelinka hore ay magaaladda ka fulin doonaan ololahaasi nadaafadeed.

Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad celinayaa shirkadaha nadaafadda ka shaqeeya oo nagala qayb qaatay, barnaamijkani ololaha nadaafadeed ah. Waxaanu is la qaadanay in aanu maalin kastoo Jimce ah, anagoo ka faa’iidaysanayna gelinka hore in aanu qashinka magaaladda ka ururino, kadib na la geeyo meelaha qashinka la dhigo ama la geeyo, gaar ahaana dooxa weyn”.

Axmed Kawte, ayaa ugu baaqay bulshadda magaaladda Laascaanood in ay kala shaqeeyaan ololahani lagu nadiifinayo magaaladda. “Anagoo dareensan in ay tahay maalin cibaado, hadana waxaanu go’aansanay in aanu dadka ay masuuliyadu naga saaran tahay u shaqayno. Laakiin garrbo ayay u baahan tahay, garbihiina waa idinka.

Waxaanan idinka codsanaynaa in marka hore qof waliba uu gurigiisa qashinka yaalla uu nidaamiyo.Waxaanu u sheegaynaa guri kastoo aanu magac shirkadeed ku buufisnayn, oo aan qashinka laga qaadin dawladda hoose ayaa ka qaadi doonta, laban-laab na waa laga qaadi doonaa, oo lacagta ay shirkaduhu ka qaadaan laba jibaarkeed ah.

Magaaladeena aan wada nadiifsano. Magaaladeena aan wada ilaashano. Waxa keliya ee aan wada leenahay, waa Laascaanood”ayuu yidhi maayar ku-xigeenka Laascaanood.

Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada ee dawladda hoose ee Laascaanood Jaamac Cali Xaashi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soconayo ololahani qashin nadiifinta.

Waxaanu yidhi, “Waxaa iska kaashaday shirkadaha gaarka loo leeyahay nadaafadda ka shaqeeya ee ka hawl galla magaaladda Laascaanood iyo dawladda hoose ee degmadan Laascaanood. Maanta (shalay) ku ekaan mayo ololahani, maalin walba oo Jimce ah, balse wuu soconayaa haddii ALLE SWT ka dhigo, gebi ahaanba magaaladan Laascaanood.

Shanta degmo xaafadeed ee ay ka kooban tahay Laascaanood, maalin walba waxaanu u qorshaynay in ay degmo ka fulino.

Waxaan ugu baaqayaa dadweynaha ku nool magaaladan Laascaanood in ay ololahan nadaafadeed nagala shaqeeyaan”.

Sidoo kale qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkadaha ololahaasi nadaafadeed kala qayb qaatay dawladda hoose ayaa balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan dawladda hoose.

Geesta kale qaar ka mid ah dadweynaha ku nool xaafadda uu togaasi marro ayaa si weyn u soo dhaweeyay hawl-galkani qashinka lagaga nadiifinayo togaasi.

Dhinaca kale Kal-fadhigii Afraad ee golaha Deegaanka Degmada Laascanood ayaa Khamiistii doraad ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood.

Waxaana fadhigaasi shir guddoominayay maayarka Degmadda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, oo uu wehelinayay maayar ku-xigeenka Axmed Kowte, iyo Xoghayaha fulinta dawlada hooseC/iraxmaan Khadar Gaas.

Iyadoona fadhigaasi shalay ka soo xaadireen dhamaan ba xilibaanadda golaha deegaanka Laascaanood.

Shirkaasi oo la qorsheeyay inuu socdo muddo saddex maalmood ah ayaa lagaga arrinsanayaa qorsheyaasha ay dawladda hoose ee Laascaanood ku hawl gelayso sanadka cusub ee 2022-ka, iyo hormarka magaaladda Laascaanood.

Leave a Reply