Xukuumadda oo Bogaadisay Jaaliyadda JSL ee UK

0
303

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda ayaa mahad-naq iyo bogaadin u jeedisey Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo mar kasta kaalin muhiim ah ka qaata dar-dargelinta qadiyadda ictiraaf raadinta Somaliland.

“Somaliland, qaran ahaan waxay u mahadnaqaysaa dhammaanba jaaliyadaha reer Somaliland, gaar ahaan jaaliyadda reer UK oo si gaar ah arrintan xil isaga saaray, dedaal dheeraad ahna muujiyey.” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka kasoo baxay madaxtooyada.

Dhinaca kale xukuumadda ayaa baaq u dirtay dhammaan Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan caalamka intiisa kale iyo muwaadiniinta Somaliland ee dalka joogtaba in ay difaacaan qaddiyadda Somaliland iyo hawlaha ictiraaf raadinta ee socda, kuna difaacaan Af iyo qalinba.

“Qaran ahaan waxannu u mahadnaqaynaa cid kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland u geysatay taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid aqooneedba, dawladda Somaliland iyo shacabkeeduna waxay ka midaysan yihiin inay wax kasta u huraan madax bannaanida iyo helidda aqoonsiga qarankooda, waddo kasta oo ay u marayaan iyo culays kasta oo ay ku kacayso” ayaa lagu mar-murtiyeedka.

“Dhammaanba shacabka reer Somaliland ee dalka joogay ee sida weyn dareenkooda ula qaybsaday dooddii ka socotay Baarlamaanka UK iyo jaaliyaddii reer UK ee hawshaas qaybta ka ahaa iyo dhammaanba ciddii ka qayb qaadatay hawshaas waanu uga mahadcelinaynaa, wuxuununa shacabka Somaliland ku boorrinayaa inuu u guntado hawl kasta iyo culays kasta oo ay ku qaadanayso inay u midoobaan oo ay u guntadaan qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhinaca kale, Golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ansixiyey qabyo qoraalka xeerka Qaxoontiga iyo Magangelyo doonka iyo Siyaasada Qaran ee Maamulka Dhulka.

Golaha waxa ay dood dheer ka dib cod gacan taaga ku ku ansixiyeen Qabyo Qoraalka Xeerka Qaxoontiga iyo Magangelyo doonka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud iyo hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland xeerkaasi oo ujeedadiisu ahayd in la helo nidaam lagu maamulo dadka qaxootiga ah, iyo in la dejiyo hannaanka lagu ogolaanayo dadka qaxootiga ah ee dalkeena soo gala.

Sidoo kale Goluhu waxa uu ansixiyey Siyaasada Qaran ee Maamulka Dhulka oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud, Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta iyo wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ujeeddada laga lahaa siyaasadaasina waxay ahayd in la helo hannaan si hufan loogu maamulo dhulka, looguna kala xadeeyo dhul daaqsimeedka iyo dhulka beeraha ah, sidoo kalana lagu habeeyo maamulka iyo qorshaynta dhulka magaalooyinka.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply