Maxkamadda Sare oo Miyi iyo Magaalo Ka soo Garnaqaday

0
328

 

Hargeysa (Dawan) Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo Muddo 25 Cisho ah u Guurtay Gobolada Bariga dalka, ayaa kasoo garnaqday 125 dacwadood oo ka jiray deegaanadaasi. Waftiga ka soo laabtay 10-kii bishan 1-aad ee 2022, gobolada bariga dalka, ee ka socday Maxkamadda Sare ayaa ka koobnaa 9 garsoore iyo 8 kaaliye oo ay wehelinayeen 2 xeer ilaaliye oo ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, waxaanu safarkooda shaqo ka bilaabay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil 15/12/2021, iyagoo uga sii gudbay deegaanada kale ee gobolka Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Muddadaa shan iyo labaatanaka cisho ahayd ee ay Maxkamaddu u guurtay gobolada bari ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay dardar galin iyo sare u qaadid ku samaysay nidaamka Maxkamadaha guurguura iyo adeega sharci ee ay u hayso bulshada Somaliland gaar ahaan goboladaasi, sidoo kale waxay Maxkamaddu ka soo garnaqday dacwadihii darajo ahaan u soo gudbay Maxkamadda Sare ee ka jiray deegaanadaasi, kuwaasi oo dhammaa 125 dacwadood oo iskugu jiray 65 dacwadood oo Madani ah iyo 60 dacwadood oo Ciqaab ah, kuwaasi oo dhammaantood xukumo loo diray, geesta kale waxa ay Maxkamaddu maaraysay 25 dacwadood oo ay cabasho ka taagnayd.

Deegaanada ay Maxkamaddu socdaalka ku tagtay ee ay dacwaduhu ka jireen ayaa kala ah.

Gobolka Saaxil.

  1. Berbera
  2. Xamaas
  3. Go’ada weyn
  4. Laasa-dacwo
  5. Dubur

Gobolka Sanaag

  1. Ceerigaabo
  2. Hilowle
  3. Qal-qaloocan
  4. Jirjirka
  5. Jidhaan-gob
  6. Dooxada dagaar
  7. Taxanaha

Gobolka Togdheer

  1. Burco
  2. Oodweyne
  3. Yaroowe

Gobolka Sool

  1. Laascaanood
  2. Oog

Arrintan ayay dadka deegaanku ka mahadnaqeen maadaama ay culays ku ahayd in ay safar dheer u soo galaan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare. Geesta kale waxa safarka qayb ka ahayd maaraynta cabashooyinka la xidhiidha dacwadaha.

Waftiga Maxkamadda Sare ee safarka shaqo ugu baxay gobolada iyo degmooyinka bari ee dalka, ayaa soo afmeeray dacwaddo in muddo ah socday, kuwaasi oo laf-dhabar u ahaa fidinta adeega sharci iyo balaadhinta nidaamka Maxkamadaha guurguura taasi oo suurtagalinaysa in muwaadinka loogu garnaqo kambalka reerkiisa. Waxay sidoo kale qayb ka tahay arrintani dadajinta dacwadaha ka soo gudba heer gobol ee u soo gudba Maxkamadda Sare.

Sannad walba laba jeer ayay Maxkamaddu u guurtaa dhinaca bari iyo galbeed ee dalka iyadoo bil walbana safaro gaagaaban ku tagta deegaanada dhaw dhaw ee galbeedka iyo bariga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay qayb ka tahay dib u habaynta lagu sameeyay nidaamka garsoorka dalka.

Guddida garsoorka ayaa kala ahaa

  1. Garsoore Cabdiqaadir Axmed Maxamuud
  2. Garsoore Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan
  3. Garsoore Maxamed Faarax Siciid
  4. Garsoore Axmed Diiriye Qaalib
  5. Garsoore Cali-Shucayb Sh Ibraahin Nuur
  6. Garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan
  7. Garsoore Yaxye Cali Idiris
  8. Garsoore Cabdilaahi Cabdi Aadan
  9. Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Oo ay kaalinayeen Kaaliyaasha Maxkamadda Sare

  1. Cismaan Maxamed Caydiid
  2. Mubaarig Aadan Cabdilaahi
  3. Khadar Muuse Cabdi
  4. Cabdikariin Ismaaciil Cabdilaahi
  5. Cabdisalaan Muuse Ducaale
  6. Muuse Maxamed Sh Ibraahin
  7. Cumar Cabdiwahaab Siciid
  8. Cabdiraxmaan Xasan Maxamed

Leave a Reply