Dadweynaha Degmada Saylac iyo Guud ahaan Gobolka Selel oo Isu-soo-bax Sameeyay.

0
389

Saylac (Dawan) – Dadweynaha ku dhaqan degmada Saylac iyo guud ahaan gobolka Selel, ayaa sameeyay isku baxyo lagu taageerayo gooni isu taagga Somaliland iyo dooddii Golaha Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay madax banaanida Somaliland.

Mas’uuliyiinta iyo maamulka gobolka iyo ka degmada Saylac ayaa bulshada kala hadlay fagaraayaal ay isku soo baxeen, iyagoo uga mahadceliyay siday u muujiyeen dareenkooda ku saabsan qaddiyadda madax banaanida ee Somaliland, waxaana ay tilmaameen in Somalialnd ay u qalanto inay ictiraaf buuxa ka hesho bulshada caalamka.

Geesta kale, waxay bogaadiyeen dooddii xubna ka mid ah Baarlamaanka Ingiriisku ay ka keeneen qaddiyadda Somaliland, iyagoo sheegay inay buuxisay kaalmihii looga baahnaa dal la aqoonsan yahay.

Gebogebadii, qaar ka mid ah dadka waxgaradka, odayaasha iyo dhalinyarada gobolka iyo degmada Saylac oo iyaguna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in qaddiyadda Somaliland aan marna laga noqonayn, isla markaana ay tahay mid ka timid bulshada, oo aan gorgortan laga geli karin, iyagoo ugu baaqay bulshada Somaliland in loo wada istaago sidii la iskaga kaashan lahaa midnimada, wadajirka iyo wada noolaanshiyaha bulshada somaliland dal iyo dibadba.

Leave a Reply