Guddida Daryeelka Xabaalaha Ee Degmada Burco Oo Deeq Lacago Ah Kala Wareegay Ururka Samo Norway.

0
312

Burco (Dawan) – Guddida Daryeelka Xabaalaha ee Degmada Burco ayaa deeq lacago ah kala wareegay ururka Samo Norway, oo ah urur samofal.

Deeqdan lacagta oo dhan 4 kun iyo Boqol Dollar ayaa ahayd mid loogu talogalay daryeelka iyo dayactirka xabaalaha degmada Burco, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay Injineer Xuseen Faarax Cabdi iyo Xasan Maxamuud Xayd ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ammaanadii loo soo dhiibay ay ku wareejiyaan guddida daryeelka xabaalaha ee Burco, waxaana ay xuseen in lacagtaasi ay kasoo qaadeen ururka Samo Norway oo ah urur somofal ah.

Guddida Daryeelka Xabaalaha ee Degmada Burco ayaa uga mahadceliyay ururka Samo Norway deeqdan ay ugu talogaleen dayactirka Xabaalaha Burco, waxaana ay sheegene inay soo gaadhay deeqdaasi, isla mar ahaantaana ay ku qaban doonaan wixii loo soo bixiyay oo ah in lagu daryeelo xabaalahaasi.

Guddida ayaa sidoo kale ku ammaanay ururka Samo Norway mashaariico kale oo ay ka fuliyeen dalka sida MCH-yo iyo dugsiyo ay caruurtu wax ku barato, iyagoo tilmaamay inay qayb weyn ay ka qaateen sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha bulshada, waxaana ay ugu baaqeen ururada kale ee ka jira dibadda dalka inay ka qayb qaataan sidii ay aqoon iyo karti ay ugu soo celin lahaayeen bulshadooda.

Leave a Reply