Arsenal oo lagaga Guuleystay raacay Saxeexa Dusan Vlahovic iyo Lacagta uu ugu Wareeggay Naadiga kale

0
301

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa heshiiska Dusan Vlahovic ku garaacday Arsenal, kaddib markii ay dul-dhigtay lacag gaadhaysa £62.8 milyan oo Gini oo ay Fiorentina ka aqbashay.

Sida ay warbaahinta Sky Sports shaacisay, Juventus iyo Fiorentina ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa u socday wada-hadallo ay ugu dambayntii heshiis kaga gaadheen qiimaha ay laacibkan ku kala iibsanayaan.

Juventus ayaa ogolatay inay bixiso £62.8 milyan oo Gini, waxaanay la wareegaysa 21 jirkan oo ka degi doona Allianz Stadium bishan January.

Fiorentina oo ogsoon in qandaraaska laacibkan ay ka hadhsan yihiin 18 bilood oo kaliya ayaa ka walwalsanayd inay si bilaash ah ku lumiso dhaliyahan amaba qiimihiisu hoos u dhaco xagaaga soo socda, waxaanay aqbashay inay qaadato £62.8 milyan oo Gini oo ay xiddigeedan u fasaxdo inuu tago Juventus.

Agaasimaha ciyaaraha Fiorentina ee Daniele Prade ayaa u sheegay Sky Italia, in lacagta ay Juventus bixinayso ay tahay qiime macquul ah, waxaanu yidhi: “Waa qiime muhiim ah. Waa 70 milyan oo Euro oo aanu ku jirin ciyaartoy is-dhaafsi iyo waqtiyo kala duwan oo lacagta la bixinayo midna. Madaxweyne Rocco Commisso ayaa nagu soo rogay in aanu fulino.

“Dhamaan albaabadayadu way u furan yihiin xaaladdan, sababtoo ah waxa aanu u baahanahay in aanu fahano waxa ay ciyaartoyda  iyo wakiilladoodu doonayaan.”

Dusan Vlahovic ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu Fiorentina u dhaliyey 21 gool 40 ciyaarood oo uu saftay, halka xilli ciyaareedkan socdana 20 gool uu u saxeexay 24 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dheelay kooxdiisa Fiorentina.

Leave a Reply