Saddexda Kooxood ee ka Dhacaya Sallaanka Premier League oo la Saadaaliyey

0
538

Saddex kooxood oo ka tirsan horyaalka Premier League ayaan la arki doonin xilli ciyaareedka dambe oo ka dheeli doona heerka labaad, sida uu dhigayo sharciga Premier League, kuwaas oo ah naadiyada dhibcaha ugu hooseeya haysta maalinta ugu dambaysa ee xilli-ciyaareedka lasoo gabogabeeyo.

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinan, saddex naadi oo sagxadda hoose fadhiya laakiin ay midkood horumar weyn soo samaysay toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaanu nasiibku caawin doonin.

Sean Dyche ayaa uu waqtigu ku xun yahay oo ay kooxdiisu noqotay naadiga ugu hooseeya horyaalka Premier League ka hor inta aan loo bixin fasaxa xagaaga, waxaanay 18kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay ka keeneen hal mar oo guul ah.

Kooxda lacagta badan uu ku iibsaday Sucuudigu ee Newcastle United ayaa ka badbaadi doonta inay dib u noqoto inkasta oo ay khadka cas ku jirto, waxaana Rio Ferdinand uu rumaysan yahay inay caawin doonto lacagta ay suuqa geliyeen ee ay ciyaartoyda kusoo iibsadeen bishan January.

Watford ayaan isbeddel samayn doonin xataa iyaga oo shaqada ka caydhiyey tababare Claudio Ranieri oo bishii October xilka qabtay, isla markaana aan wax guul ah keenin intii ka dambaysay ciyaartii Manchester United ay 4-1 ku garaaceen bishii November.

Saadaasha Rio Ferdinand ayaa waxay sheegaysaa in saddexda kooxood ee Burnley, Watford iyo Norwich City ay noqon doonaan kuwa u dhacaya heerka labaad ee aan xilli ciyaareedka dambe kasoo muuqan doonin horyaalka Premier League.

Leave a Reply