Bulshada oo lagu Baraarujiyay Qaadashada Talaalka Covid19

0
307

Khaddar Cabdi Muuse

Boorama (Dawan): Guddiga heer qaran ee xakamaynta xanuunka Covid-19 ee Somaliland ayaa shalay magaaladda Boorama ku qabtay tababar ku saabsan baraarujinta bulshadda ee qaadashadda talaalka caabuqa Coronavirus.

Waxaana tababarkaasi ka qayb qaadanayay oo loo qabtay isu-duweyaasha wasaarradaha caafimaadka, Warfaafinta, Shaqadda iyo arrimaha bulshadda, Waxbarashadda.

Ciidamadda kala duwan ee ka hawl-galla gobolka Awdal, iyo ururadda bulshadda rayidka ah ee gobolkaasi ka jira qaarkood oo ka kala socday goboladda Maroodijeex, Awdal, Selel, iyo Gabiley.

Tababarkani oo socon donna muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabiyay, isla markaana fulinaya guddiga heer qaran ee ka hor tagga iyo xakamaynta xanuunka Covid-19 ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa tababarkani ka qayb qaadanaya culimadda, iyo imaamyadda masaajidadda, ururadda bulshadda, haweenka, iyo dalladda dhalinyaradda.

Sida uu sheegay Xoghayaha guddiga heer qaran ee ka hor tagga iyo xakamaynta xanuunka Covid-19 ee Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-dayr), oo furitaanka tababarkaasi ka hadlay.

Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-dayr), waxa kaloo uu sheegay in ay aad u hoosayso wacyigelinta iyo qaadashadda talaalka ee bulshadu.

Sidaas darteedna sababta ay ka qayb galeyaasha tababarkaasi qaybaha kala duwan ee bulshadda uga soo xuleen ay maadaama oo xanuunka Covid-19 cid uu dhaafayaa aanay jirin, isla markaana in ay bulshadu ku baraarugto waxyeeladda iyo dhibaatadda uu leeyahay.

“Waa dhab wacyigelintu aad bay u hoosaysaa, qaadashadda talaalkuna aad bay u hoosaysaa. Goboladda iyo degmooyinka aad masuulka ka tihiin isu-duweyaashii wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee afartan gobol ee galbeedka Somaliland, waxaan idinku soo dhawaynayaa tababarkani, oo socon donna muddo laba maalmood ah”.

“Waxa kaloo tababarkani qayb ka ah culimadda, imaamyadda masaajidadda, ururadda bulshadda, haweenka, dalladda dhalinyaradda, qaybaha kala duwan ee bulshadda waxaanu sidaa ugu soo xulnay, maadaama oo xanuunkani cid uu dhaafayaa aanay jirin, in ay bulshadu ku baraarugto waxyeeladda uu leeyahay, iyo dhibaatadiisa.

Dabadeed na, qof walba aqoonta iyo waxa uu tababarkan ku qaato, uu kula noqdo bulshadiisii, iyo gobolkiisii oo uu ku dabaqo” Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen-dayr).

Geesta kale badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), oo tababarkaasi si rasmiya u furay ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in qaybaha kala duwan ee bulshadda la gaadhsiiyo wacyigelinta dhibaatadda xanuunka Covid-19.

 

 

Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), waxa uu sheegay in ka gobol ahaan in ay bulshadu talaalka Covid-19 qaateen intii lagu soo qaybiyay.

Waxaanu Tiimbarro, ka qayb qaateyaasha tabababarkaasi kula dar-daarmay in casharadda ay qaataan ee wacyigelinta la xidhiidhay ay qaybaha kale ee bulshadda gaadhsiiyaan.

“Waxaan idinka filayaa wixii aad tababarkan ku qaadataan, in aad qaybaha kale ee bulshadda gaadhsiisaan. Xagga talaalka gobol Awdal ahaan, gobolka ugu fiican ayaanu ahayn, oo intii nalagu soo qaybiyay, waanu is wada talaalnay.

Laakiin, taxaderkayaga kale ayaa iska yar. Waayo? Xuduudo badan ayaanu leenahay” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro).

 

 

 

Leave a Reply