Nin Siyaasi Sheeganaya oo Haddana ku Hadlaya Afqabiil Waa Wax laga Xumaado” Wasiirka Warfaafinta

0
457

 

“Nin aan Qaranka Habeen Qudha Geed u soo Seexan ayaa Aniga Somaliland iga Sheeganaya..” Wasiir Koo

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado iyo foolxumo weyn in rag sheeganaya Siyaasiyiin oo ka tirsan Xisbiyadda Mucaaradka ay maalin kasta ku hadlaan af-qabiil.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dalka loo tudho, isla markaana loo baahanyahay in laga waantoobo hadalada Umadda lagu kala qaybinayo.

Wasiirka oo arrimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ragbaa marka aan hadlo aniga oo Qaranka u hadlaya oo ah oo afhayeenkii Qaranka ila aadaan qabiil, Wasiirka Warfaafinta iyo qabiil maxaa iska khuseeya, ragbaa u holanaya qabiilka. Hadaynu qabiilada u kala holanno Somaliland jiritaankeedu ma noqonayo mid sax ah, sida ragga qaarkii noogu suntaan hadalka reernimo uma hadli karo oo Soddon Sannadood ayaan qaranimo ku soo shaqaynayay, mid aan dhaxan iyo maalin geed aan uga soo laaban qaranka ayaa aniga Somaliland iga sheeganaya, aniga cid taariikh Somaliland igaga badani ma jirto. ninka awoowgii xuduudka sameeyay ee uu ku saxeexan yahay ayaan ahay. waxa aynu u baahanahay qaran wada jira, dad is aqoonsada iyo Umad is ixtiraamta, waxa aan aad uga xumahay in rag siyaasiyiin sheeganayaa ay mar kasta ku hadlaan afqabiil. waxaana dalka u baahanyahay tudhaale iyo dhawris”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in dalka Somaliland uu soo maray marxalad dheer. Waxaaana uu yidhi “Waxa aynu nahay dal marxalad dheer soo maray iyo waayo kala duwan soo jiray, waxa aynu nahay dal Dimuqraadiyadda ku gaamuray oo Madaxweynayaal badan isku badaleen si Dastuuriya oo Madaxweynayaashii ugu dambeeyay ay ku soo baxeen cod, anigu markii aan qabiilka diiday ee aan ka soo horjeestay waxaan ahaa 24 jir.”

 

 

 

Leave a Reply