Guddida Abaaraha Togdheer oo Kala Diray Gurmad Biyo Dhaamis ah

0
416

Burco (Dawan)- Guddida Abaaraha ee gobolka Togdheer ayaa kala u kala diray deegaanada hoos yimaad gobolka gurmad iyo gaadiid biyo dhaamis ah, kuwaasi oo loogu talogalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Nafaqo oo ka hadlay halkii ay ka dhaqaaqayeen booyadaha biyaha sida, ayaa sheegay in hormadani ay tahay hormadii sedexaad ee ay gurmad ahaan u diraan dadka abaaruhu ay saameyeen, waxaanu intaas ku daray in iyagoo fulinaya amarka gudida abaaraha ee heer qaran ay ku dadaalayaan in ay inta awoodooda ah ay gaadhsiiyaan gurmadka dhinaca biyo dhaamiska ah dadka ku dhaqan gobolka togdheer.

Gudoomiyaha gobolka togdheer iyo xubno ka mida gudida abaaraha ee heer gobol oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in goboka todheer 15 maalmood loo qoondeeyay in gurmad la gaadhsiiyo dadka abaartu ay saamaysay islamarkaa ay 30 booyadood u kala direen deegaanada gobolka iyagoo gurmadka wadi doona inta awoodooda ah gobol ahaan, waxaanay Ilaahay uga baryeen dalka in uu guud ahaan abaara kasoo jabiyo.

 

 

Leave a Reply