Gudida sare ee Qorshaynta Qaranka Oo Kulan Ka Yeeshay Diyaarinta Qorshaha 3aad ee 2022 – 2026

0
247

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa (Dawan)- Guddida golaha Wasiirrada ee qorshaha horumarinta qaranka oo uu dhawaan madaxweynuhu u magacaabay hagida qorshaha saddexaad ee qaranka, ayaa kulan ka yeeshay diyaarinta qorshahaasi, maalintii shalay oo Salaasa ahayd.

Guddida oo ka kooban 11 xubnood oo kamida golaha wasiirrada , ayaa kulankooda ku naaqishay warbixin la xidhiidha hannaanka diyaarinta qorshaha 3aad iyo hirgalka qorshihii 2aad ee dhamaaday, waxyaabihii ka fulay iyo wixii ka qabyoobay.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta qaranka Cumar Cabdilaahi Badde oo ah guddoomiyaha guddidan, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay guddida horumarinta qaranku kaga hadleen kulankooda.

“Hadda waxa dhamaad qorshihii labaad ee horumarinta qaranka si loo bilaabo qorshaha saddexaad madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland wuxuu 16-kii bishan magacaabay guddi wasiirro ah oo ka kooban 11 xubnood oo la yidhaahdo guddida qorsheynta qaran, looguna talogalay inay hagaan qorshaha saddexaad ee qaranka oo ay talo iyo fikirba ku darsadaan.

“Maanta (shalay), anigoo ah guddoomiyaha guddidaas waxaan la kulmay xubnaha guddida oo aanu ka wada hadalnay sidii aannu u bilaabi lahayn diyaarinta qorshaha cusub, iyadoo aanu sidoo kale warbixin ka siinay qorshihii hore ee 2aad wixii ka fulay, wixii aan fulay, sababaha ay u fuli waayeen iyo casharada laga bartay sidii loogu dabaqi lahaa diyaarinta qorshaha saddexaad”ayuu yidhi wasiirka.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiirku si qoto dheer u sharaxay qodobo kala duwan oo ay guddidu lafa-gurtay, qaabka ay wasaaradda qorsheynta qaranku u dejisay diyaarinta qorshahan iyo sida farsamo ahaan ay u waajahayso qaabeyntiisa:

“waxa kale oo guddida aanu la wadaagnay geedi-socodka hawlaha diyaarinta qorshaha, ilaa hadda waxyaabaha noo qabsoomay, iyadoo ay wasaaraddu diyaarisay dhaqaalihii iyo hannaankii loo diyaarinayey. guddida waxaanu aad isula lafa-gurnay sidii uu qorshahani u noqon lahaa mid maan gal ah, innagoo ka duulayna awooddeena dhaqaale iyo ta aynu ka helno qaadhaan-bixiyeyaasha. waxaanu isla eegnay inuu noqdo qorshe ku salaysan baahiyaheena, hadday kuwo bulsho yihiin iyo hadday yihiin kaabeyaasha aasaasiga ah, shaqo-abuurka, deegaanka iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Wasaaraddu waxay balanqaaday inay isticmaasho farsamo kasta oo aqoon ku dhisan, xog iyo khibrad u baahan oo lagu diyaarinayo qorshaha saddexaad ee 2022-2026″ayuu raaciyey.

 

 

 

 

Leave a Reply