Madaxda Xisbiga KULMIYE oo kulan la Qaatay Wefti ka Socda Midowga Yurub

0
522

Hargeysa (Dawan) Madaxda Xisbul-xaakimka haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xafiiska xisbiga ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Midowga Yurub (EU) oo booqasho ku yimi dalka.

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo ay wehelinayeen Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo siyaasi Axmed Nuur Faahiye oo ka tirsan Guddiga Fulinta ee xisbiga iyo weliba Afhayeenka xisbiga Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa shir la yeeshay weftiga ka socda EU-da oo u badnaa safiirro ay hoggaaminayso Madaxa Mashaariicda Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda Midowga Yurub Amb. Maria Groeneveld.

Kulankan oo lagaga wahadlay arrimaha doorashooyinka dalka, waxay ugu horreyn weftiga reer Yurub ku ammaaneen guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland hana-qaadka dimquraadiyadeeda iyo guulaha laga gaadhay doorashooyinkii xorta ahaa ee sida is daba-joogga ahaa uga dhacay dalka.

Waxa kaloo ay soo dhaweeyeen mowqifka xisbiga KULMIYE iyo Xukuummaddiisa ee ah inay diyaar u yihiin hirgelinta iyo qabashada doorashooyinka dalka, iyagoo dhankoodana ballaqaaday inay ka beel caalam ahaan diyaar u yihiin taageero ay ka gaystaan qabashada doorashoyinka.

Weftiga Midowga Yurub waxay soo jeediyeen in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ay ka fogaadaan wax kastoo caqabad ku noqon kara qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Dhinaca masuuliyiinta xisbiga KULMIYE hadallo isugu jiray soo dhaweynta weftiga iyo mahadnaqa taageerada beesha caalamku siiso Somaliland kadib waxay u cadddeeyeen mowqifka xisbiga iyo Xukuumaddiisa oo ah inay diyaar u yihiin qabashada doorashooyinka soo socda ee dalka, loona qabanayo sida ay u kala horreeyaan, iyagoo u sheegeen in ta u soo horraysaa tahay doorashada ururrada, kadibna saddexda xisbi ee ku soo baxaa ay gali doonaan doorashada Madaxtooyada.

Sidoo kale, madaxda KULMIYE waxay u sheegeen weftiga EU-da inay ka go’an tahay xisbiga iyo Xukuumadda ilaalinta shuruucda dalka, isla markaana qabashada doorashooyinka loo raacayo Xeerarka doorashooyinka ee dalka u yaala.

ALLAA MAHAD LEH

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE

Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni)

Leave a Reply