Sarkaal ka tirsan ciidanka millateriga Somaliland oo la dilay

0
887

Goroyo-cawl (Dawan) – ALLE haw naxariiste Marxuum, gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar oo kamid ahaa ciidanka millateriga Somaliland, ayaa saaka askari kamid ah ciidan uu isagu maamulayay ku toogtay deegaanka Goroyo-cawl ee gobolka Awdal.

Askariga Dalmar toogtay ayaa la sheegay in dilka kadib ay ciidanku gacanta ku dhigeen, isla markaana la xidhay.

Dalmar ayaa kamid aha saraakiil tababar kusoo qaatay dalka Itoobiya, waxbarashadiisa kadibna kamid noqday hoggaamiyayaasha ciidamada qalabka sida.

Wali xukuumadda Somaliland si toos ah ugama hadal sababta dilka keentay.

Marxuumka la toogtay, ALLE haw naxariiste gashaanle dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalmar

Leave a Reply