Mas’uuliyiin ka Qayb galay shirkii Gebo’gebaynta Gogoshii Nabadeed ee Muddada ka socotay Yagoori.

0
539

Laascaanood (Dawan)  – Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb galay shir ku saabsan soo gebo’gebaynta gogoshii nabadeed ee muddada u socotay ardaayada walaalaha ah ee nabadayntoodu ka socotay degmada Yagoori ee gobolka Sool.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo xidhay shirkan, iyadoo halkaasi lagu kala qaatay go’aannadii u dambeeyey ee labada Ardaa, oo hore colaadi u dhex martay.

Xukuumadda Somaliland ayaa dedaal badan ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaaddan, taasoo lagu guulaystay, iyada oo muddo ku dhow laba bilood uu u fadhiyey Gobolka Sool Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland, si ay u dhamaato gogosha nabadda ee la kala dhex dhigay labada ardaa ee dirirtu dhex martay.

Leave a Reply