Wasiir ku xigeenaka Ganacsiga oo ku soo  Dhaweeyay Laas’geel Wefti ka Socda Safaaradda Norway ee Kenya.

0
566

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo xalxiiska ee Somalialnd Muuse Ibraahin Yuusuf (Selef) ayaa maanta kusoo dhoweeyay goobta dalxiiska Aasaarta Qaddiimiga ah ee Laas’geel wafti ka socda safaaradda Noorway ee dalka Kiiniya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Ibrahim Yuusuf (Selef) oo uu wahelinayo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Barkhad Sheekh Abiib ayaa soo dhaweeyay oo uu horkacayay Madaxa xidhiidhka iyo horumarka (Haakon Svane iyo Erling Johnsen).

Wasiir ku-xigaanka iyo waftiga waxay shir kooban ku qaateen qolka nasashada Dalxiiska ee Laasgeel, halkaas oo ay ka wada hadleen arrimo laxidhiidha iskaashiga dhinaca Horumarinta Dalxiiska iyo ilaalinta goobaha taariikhiga ah ee Dalka oo ay ugu horeyso Laasgeel.

Shirku markii uu dhamaaday kadib, waftigu waxa uu u dhaqaaqay dhagxaanta xardhan ee Laasgeel, halkaas oo waftiga laga siiyay warbixin ku saabsan Laasgeel iyo micnaha sawirada ku xardhan goobtan.

Leave a Reply