Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka JSL oo ku Guuleystay Siideynta Maxbuus 20 Sano ku Xidhnaa Xabsiga Hargeysa

0
336

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland iyo qaar ka mida dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland, oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay sii daynta Ibraahim Aadan Maxamed (Baydhabo), oo muddo 20 sano ka badan ku xidhna xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Maxbuuskan ayaa loo haystay magta dil u u geystay marxuun kale, muddo hadda laga joogo 20 sano. Caaqil Cabdalla Iskoor oo ahaa maxbuuska odaygiisa ayaa koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay siidaynta maxbuuskani uga mahad celiyay.

Ibraahim Aadan Maxamed (Baydhabo), oo ahaa maxbuuskii 20-ka sano ku xidhna xabsiga dhexe ee laga bixiyay magdhawgii loo haystay ayaa sheegay in uu hadda ka hor quustaagna waxaanu yidhi. “Waxaan ahaa maxbuuskii xabsiga ku xidhna jeelka magaalada Hargeysa ee dilka loo haystay, ee 20-ka sano iyo dheeradka nolosha adduunyada waan ka quustay ILLAAHEY ayaa dadkiinan ii soo diray aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa”

Guddoomiye ku xigeenka koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, marwo Waris Abshir Diiriye ayaa sheegtay in aanay ka koomishan ahaan sidaasi kaga hadhayn arrinta Ibraahim, balse ay qayb mihiim ka qaadanayaan sidii uu dalkiisi hooyo ugu noqon lahaa.“Ibraahim waxa aan leeyahay, hawshii maanta ku dhammaatay ee waliba la rabo in waddankaagi dib laguugu celiyo iyo hooyada sidii ay ku arki lahayd 20 sanno aan ku arkin ee ka quusatay, ee waliba dhimasho niyaysatay,”

Guddoomiyaha koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland mudane Maxamed Baaruud Cali oo isna goobtaasi ka hadlay waxa uu yidhi. “Dhibta ugu badan waxa nagu haya waa dadka aan lahayn cid u hadasha ama cid wax u soo ururisa, adduunyadii ILLAAHEY ka quusatay maanta waadiga u soo baxay, nolol labaad ayuu ILLAAHEY ku siiyay, nolol tacabkeeda u baahan ayaad geli”

Maaha u horreeyay ee sidan oo kale sii dayntiisa ay ugu guuleystaan koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, balse waxa jirtay maxaabiis badan oo sidan oo kale ay uga bixiyeen magdhawgii iyo daymihii lagu lahaa iyaga oo kaashanaya dadka muwaadiniinta ah ee ILLAAHEY dartii wax ula baxa.

 

Leave a Reply