Xukuumadda oo soo Gunanaday Gogoshii Nabadeed ee Yagoori

0
315

Laascaanood (Dawan)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb galay shir ku saabsan soo gebo’gebaynta gogoshii nabadeed ee muddada u socotay ardaayada walaalaha ah ee nabadayntoodu ka socotay degmada Yagoori ee gobolka Sool.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo xidhay shirkan, iyadoo halkaasi lagu kala qaatay go’aannadii u dambeeyey ee labada Ardaa, oo hore colaadi u dhex martay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo soo gunaanaday shirkaasi ayaa akhriyay go’aamadii ka soo baxay shirkaasi “Waxaa lagu heshiiyay in wixii dhimasho ah lagu kala qaato mag shareeco oo muqalada ah. Waxaa dheer magta Caaqilka oo lagu kordhiyay 150 Halaad oo hashiiba qiimaheedu yahay 350 oo kun.

Qiimaynta magta muqaladada ah sida shareecadu dhigayso waxaa loo kala saaray boqol halaad oo kala ah,40 halaad oo ugub ah, 30 qaalmood oo shan jir ah iyo 30 qaalmood oo afar jir ah.

Markaanu aragnay fikradaha ay kala qabaan labada dhinac ee qiimaynta magta muqaladada ah waxaanu go’aaminay in qiimaheedu noqdo sidan. 40-ka halaad ee ugubka ah in qiimahoodu noqdo hashiiba 700 oo dollar, sodonka halaad ee afar jirka ah in midkiiba qiimaheedu noqdo 400 oo dollar, qiimaha 30-ka qaalmood ee shan jirka ahi in uu noqdo midkiiba 500 oo dollar. Markaa qiimaha guud ee boqolka Halaad ee muqaladada ah waxay noqonaysaa 550 kun oo dollar. Mudadada lagu kala qaadanayo ee lagu heshiiyay waa muddo 8 bilood ah oo ka bilaabmaysa maanta oo ah 26-ka January 2022.”

Xukuumadda Somaliland ayaa dedaal badan ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaaddan, taasoo lagu guulaystay, iyada oo muddo ku dhow laba bilood uu u fadhiyey Gobolka Sool Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland, si ay u dhamaato gogosha nabadda ee la kala dhex dhigay labada ardaa ee dirirtu dhex martay.

 

 

 

Leave a Reply