“Waa la Gaadhay Xilligii la Aqoonsan lahaa Somaliland”

0
187

Nairobi (Dawan)- Siyaasi Ilyaas Barre Shiil ayaa shaaca ka qaaday in la gaadhay wakhtigii Somaliland ay heli lahayd aqoonsi caalami ah, taasoo badbaadinaysa sumcada iyo karaamada bulshada Soomaaliyeed.

Ilyaa Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee fikirkooda muujiya, isla markaana cad uga hadlayey mowqifkiisa ku aadan qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland, ayaa ka waramay kaalintii shacabka Somaliland ku lahaayeen xornimadoodkii, waxaanu yidhi, “Dadweynaha Somaliland iyo xukuumaddooda waxay sumcad iyo shafar u soo hooyeen Bulshada Soomaaliyeed, sababtoo ah waxay samaysteen nabadgelyo nidaam dawladnimo, waana u hanbalyaynayaa.”ayuu yidhi, sida lagu baahiyey mareegta Araweelonews.

Ilayaas Bare, ayaa deedafeeyey hadalka dadka ku andacoodda in aannay Somaliland dal gaar ah noqon karin ama aanay ka go’I Karin Soomaaliya, oo weli aaminsan riyadii shantii Soomaaliyeed ayaa sheegay in riyadaasi dhimatay, xilligana aanay soconayn. “Annigu waxaan qabaa Somaliland in la aqoonsado, maadama riyadii baadi-doonkii shanta Soomaaliyeed dhamaatay, markii ay Soomaaliya bur-burtay-na Somaliland nidaam iyo nabadgelyo samaysatay. Annigu shantii Soomaaliyeed ayaan ka mid ahaa gobolkii NFD ee dalka Kenya , mana doonayo in aan Soomaali raacno.

Isagoo sii raaciyey “Dhibaatadu halka ay ka jirto waa Koonfurta Soomaaliya? Muqdisho iyo Kismaanyo kuwii kula joogay ayaad laynaysaa, Soomaalidu waxay noqdeen dad ceel ku dhacay, dadkii is-yidhi ka baxana lugta haysta, si aannu uga soo bixin,” ayuu yidhi, isagoo sawiraya dhibaatada Soomaaliya.

Siyaasiga Ilyaas Barre, wuxuu isagoo ka hadlaya marxalada ay maray Somaliland yidhi, “Waxa la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland.”

Siyaasi Ilyaas oo caan ka ah geyiga Soomaalida, isla markaana ka mid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga dhex muuqday siyaasada dalka Kenya ee kasoo jeeda gobolka Woqooyi Bari, ayaa laga soo bilaabo 1994, kusoo jiray siyaasada dalka Kenya oo uu kaalin muuqda ku lahaa, afar jeerna soo galay Baarlamaanka Dalka Kenya, isagoo noqday xildhibaanka metela gobolka Garissa, isla markaana kasoo baxay deegaanka Faafi, 1998-2017, kaddib markii uu ku guulaystay tartanka doorashooyinka Xildhibaanimo ee Garissa deegaanka Faafi.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply