Xukuumada Ingiriiska oo loo Gudbiyey Dalab ku Khasbaya inay Ka Jawaabto Aqoonsiga Somaliland

0
418

Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL oo kaalin ka qaadatay abaabulka Qurba-jooga

London (Dawan)- Xukuumada Ingiriiska oo loo gudbiyey dalab ku khasbaya inay ka jawaabto aqoonsiga Somaliland. Codsigan oo nuxurkiisu ahaa in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbanaan oo ay saxeexeen 10,079 qof oo qurba-jooga reer Somaliland ee dalka Ingiriiska degan ayaa la filayaa in xukuumada Ingiriisku ka soo bixiso jawaab.

Sida Shuruucda Ingiriiska codsiyada muwaadiniintu u diraan xukuumada Ingiriiska ama baarlamaanka sheegayaan, codsi kasta oo ay saxeexaan muwaadiniin tiradoodu gaadho 10 kun, waxa xukuumada Ingiriiska waajib ku ah inay jawaab ka soo bixiyaan.

Dalabka oo nuxurkiisu ahaa In Somaliland loo aqoonsado dal madax-banaan, ayaa lagu sheegay in xaqa aayo-ka-tashigu yahay xuquuq shacabka Somaliland leeyahiin, sida ku cad shuruucda caalamiga, isla markaana laga doonayo in dawladda UK ay si rasmi ah ugu aqoonsato Somaliland dal madax-banaan.

Codsigan ay saxeexeen 10,079 qof oo Qurba-jooga Somaliland ee dalka UK ayaa lagu sheegay in aqoonsiga Somaliland wax ka tari doono horumarinta dimuqraadiyadda iyo dawlad wanaagga.

Dawladdu UK waxay ka jawaabtaa dhammaan codsiyada hela in ka badan 10,000 oo saxeex sidoo kale codsi kasta oo muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100,000 ay saxiixaan, codsigan waxaa loo tixgalin doonaa in baarlamaanka laga doodo.

Saxeexa codsigan loo gudbiyey xukuumada Ingiriiska oo bilaabmay usbuucan ayaa la sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wakiilka Somaliland ee UK Xafiiska Qurba-jooga Somaliland ay kaalin weyn ka qaateen sidii qurba-jooga loogu abaabuli ka qeybqaadashada saxeexidiisa.

 

 

Leave a Reply