Wasaaradda gaadiidka iyo xisbiga WADDANI oo lagu dhalliilay dayaca Towxiidka

0
326

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliand, iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa lagu dhaliilay dayaca Kelmatul Towxiid, kadib markii wasaaradda gaadiidku bilaydh lanbarka baabuurta ku xaradhay magaca ILLAAHEY, halka xisbiga WADDANINA saacado uu sameystay ku sharaxay.

Iyada oo bileydhka baabuurta gaadiidka halka uu kaga yaala tahay meelaha ugu hooseeyo ee Qashinku gaadho, Eydu isku xoqdo ama ku kaadido, sidoo kale dadkuna ku kaajan mararka qaar, isla markaana bileydhka uu ku yaala uu yahay  ka danbe ee wasaaraddu ay hadda soo saartay.

Halka xisbiga WADDANI saacado uu soo saaray uu ku qortay magaci ILLAAHEY.

Sidan waxa warbaahinta la wadaagay xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Buddeeye, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland.

Xildhibaan Cabdixakiin oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxa uu yidhi.“Wasiirka gaadiidka waxaan u soo jeedinaya  baabuurteena aynu wadano, ee dadku wato, lanbarba ku yaala,  ‘Bileydh lanbarba la yidhaaha’, Kalimatul towxiid ayaa ku taalla, LAA ILLAAHA ILA LAAHU ayaa ku taala lanbarkaasi, meelo aan munaasib ahayna waala dhigaa gaadiidka.

Waxa la dhiga meelaha Eydu fadhido, oo Eyda ayaa ku kaadida lanbarka, oo Kalimatul towxiid ku xardhan tahay, waxa la dhiga geerashyada, oo dadku ku kaajayaan hadday doonaan, waxa la dhiga meelo aan munaasib ahayn oo suuqyada ah, lanbarka cagta la saara, lanbarka magaca ILLAAHEY ayaa ku qoran, lanbarkii hore ee aynu baddelay muu lahaan jirin, in magaca ILLAAHEY lagu qoro, kaliya magaca Somalilander ayaa ku taalay.

Hadda shaanbad ayaa ku taala Kalimatul Towxiid ayaa ku qoran, waxaan leeyahay waar munaasib maahe, arrinta wasiirka iyo xukuumaddu hayska kaashadeeno lanbarka halaga qaado calaamada LEE ILAAHA ILLA LAAH.

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in xisbiga WADDANINA saacado uu sameystay u ku sharaxay magaca ILLAAHEY waxaanu yidhi. “Waxa jirta waxyaabo Somaliland soo saarto xata waa lagu qoray, oo Meesha la doono la dhigayay saacado ayaa lagu soo qoray, hadda saacad WADDANI ah oo aan maalin dhaweyd arkayay calanka WADDANI Kalimatul Towxiid ayaa ku xardhan, mid LEE ILLAAHA ILLA LAAH ayaa u saaran, saacada ay ku taalana suuliga waalala galayaa, meelo kale oo aan munaasib ahayn ayaa lala galayaa, Kelmatul Towxiidna waa ay ku taalla, alaabooyin kale oo Somaliland soo saartana waa ay ku taala.

Marka dhul daayo suuli ayaan loo ogolayn, Ey ku kaajana looma ogola, geeray ay iska dhex taalana looma ogola, kelmadaasi nusqaan ayay inagu keenaysa, taasi waxa aan soo jeedinlaha wasiirku in uu ka hawlo, iyo xukuumadduba in bileydhkan Meesha laga saaro ayaa la doonayaa”

Xildhibaanku waxa uu ku taliyay in guud ahaanba Meesha laga saaro, bileydhka Towxiidku ku qoran yahay, saacadahaasi.

Wasaaradda gaadiidka iyo xisbiga WADDANI oo lagu dhalliilay dayaca Towxiidka

Leave a Reply