Abiy Ahmed oo Itoobiya ka qaaday xaalad deg deg ah oo uu hore ugu soo rogay

0
559

Adisababa (Dawan) Golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya ayaa Arbacadii shalay ansixiyey in la qaado lix bilood oo xaalad deg’deg ah, iyadoo la eegayo isbedellada dhinaca ammaanka ah ee ka jira dalkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Raysal wasaare Abiy Axmed.

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg ddeg ah bishii November, kadib markii ciidamada TPLF ay sheegeen in qabsashada gobollo dhowr ah kadib ay ka fikirayaan inay galaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dowladdu waxay sheegtay in bishii hore ay ciidankeedu ka sifaysay ciidamada Tigreega waqooyiga gobollada Axmaarada iyo Canfarta, iyadoo meesha ka saartay hadalladii Tigrayga ee ahaa in ciidamadoodu ay iskood uga baxayaan si ay u abuuraan “biloow nabadeed”.

Bayanan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay gaadhay heer khataraha ay xallin karaan hay’adaha ammaanka, waxaana bayaankani intaa ku daray in go’aanka golaha wasiirada loo diray baarlamaanka, si ay u ansixiyaan.

Dabayaaqadii toddobaadkii hore, Milatarigu waxa ay sheegeen inay qorshaynayaan in ay galaan magaala madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, si ay “kaga takhalusaan” xoogagga TPLF, waxaana hadalkaasi yimid iyada oo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda bilaabtay bishii Noofambar ee sannadkii 2020, taas o barakicisay malaayiin qof, isla markaana kicisay gaajo baahsan.

Reuters.

 

Leave a Reply