Muuqaalka Iyo Maqalka Onkodka Iyo Hilaaca

0
425

 

Hilaacu waa iftiin dhalaalaya oo si lama filaan ah uga dhex muuqada Samada xili roobaadka. Waan iftiin ay sababaan isku dhaca laba daruurood oo koronto ahaan iska soo hor jeeda (Positoive / negative electric charge).  Isku dhaca awoodaasi leh ayay ka dhashaan dhimbiilo xoog badan oo inoogu muuqada iftiina oo haddana isla markiiba qarsooma.

Iftiinkaasi ka dib ayaynu maqala cod weyn oo samada ka dhacaya kaasi oo isna loo yaqaano Onkod waana codka ka dhasha isku dhaca daruuruhu oo ah kan dhaliya iftiinka Hilaaca.  Waxay ahayd in aynu marka hore maqalo Onkodka madaama uu yahay isku dhacii iftiinka hilaaca ka dhashay, laakiin waxa taasi sabab u ah iyadoo xawaaraha iftiinku uu ka dheereeyo kan codka. Sidaas darteed waxaynu arkaynaa iftiinka ka dhashay isku dhaca marka hore laakiin codkii uu sameeyay isku dhacu wuu ka danbaynayaa madaama xawaarihiisu ka gaabiyo.

Leave a Reply