Damaaciga Iyo Dacawadii Cajiibka Ahayd

0
343

Nin gancsade ah ayaa ceel biyood oo uu lahaa ka iibiyay nin beeraly ah oo lacagtiina qaatay. Maalintii ninka beeralayda ahi uu doonay in uu ceelka biyo ka dhaansadao ayuu u diiday ganacasaduhu. Waxaana uu ku yidhi : “Anigu ceelka ayaan ka iibiyay ee kamaan iibin biyaha ku jira, kuwaasi aniga ayaa iska leh, adiguna ceelka ayaad leedahay ”.

 

Wakhtigana haddii aad doonayso inaad biyo ka dhaansatana waa inaad lacagta iska bixisaan. Ninkii beeralyda ahaa isagoo yaaban ayuu ka horyimi arinkaasi waxaana uu dacwad u gudbiyay qaadigii magaalada

Qaadiga ayaa doodi labada dhinacba dhegaystay  Markii uu ka bogtay ayuu ninkii ganacsadaha ah ku yidhi “ Ninkaan ma adiga ka iibiyay ceelka?”, haa ayuu ku jawaabay, waxaana uu raaciyay , laakiin kamaan iibin biyaha, ceelka oo keliya ayaan ka iibiyay. Qaadiga ayaa weydiiyay :” Lacagtii ma ka wada qaadatay mise waad daymisay?”.

Waxaana uu ku jawaabay :” Lacagtii waan ka wada qaatay, wax dayn ah oo aan ku leeyahay ma jirto”.  Qaadiga ayaa ninkii soo ashkatooday weydiiya in hadalkaasi run yahay in kale, waxaana uu ku jawaabay, “ lacagtii waan wada siiyay, laakiin iibku waxa uu ceelka, ma jirin wax la kala saaray, biyo iyo hog ceel ah”.

Intaasi ka dibna Qaadiga ayaa go’aanka soo saaray : “Haddii aad qiratay inaad ka iibisay ceelka, waxa waajib kugu ah inaad biyahaaga kala baxdo, waayo xaq uguma lihid inuu kuugu ilaaliyo weel aad ka iibisay, haddii kale waxaad bixin doontaa kirada si uu kuugu hayo ceelkiisa biyahaaga. Qiimaha kiradana isaga ayaa xor u ah, oo ma waad ku kiraysan ama biyahaaga ku jira ayaad kala bixi, isagoo sida uu doono ha isticmaalee.”  Ganacsadaha ayaa gartay inay arintan uu ku fashilamay, waxaana uu maxkamad ka tegay isagoo aad u niyad jabay oo ku khajilsan damaaciga uu sameeyay.

Leave a Reply