Somaliland oo Taiwan u dirtay Wafti Mug iyo Miisaanle

0
356

Hargeysa (Dawan)  – Wafti ka kooban 4 wasiir oo uu horkacayo wasiirka arrimaha Dibbada Somaliland Dr.  Ciise Maxamuud Kayd, ayaa safar ugu baxay magaalada Taipei ee caasimada Taiwan kadib martiqaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxweynaha Taiwan.

Waftiga oo ka kooban wasiirka arrimaha dibada Dr, Ciise Maxamuud Kayd, wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub Maxamed, wasiirka maalliyada Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka qorshaynta Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa Taipei ku joogi doona safar 5 cisho ah.

Waftiga ayaa muddada booqashadooda la kulmi doona saraakiisha ugu saraysa Taiwan oo ay ugu horrayso madaxweyne Tsai Ing-wen, waxa kale oo la rajaynayaa in ay la kulmaan madaxda shirkada shidaal baadhista CPC ee ay dowladu leedahay oo Somaliland ka samaynaysa sahamin shidaal.

Somaliland iyo Taiwan oo ah laba dal oo aan mid koodna aqoonsi ka haysan caalamka, ayaa xidhiidh dibulumaasiyadeed yeeshay badhtamihii sannadkii 2020, iyagoo is waydaarsaday xafiisyo iyo wakiilo u kala fadhiya Hargaysa iyo Taipei.

Taiwan ayaa Somaliland ka taageerta dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, beeraha iyo tiknoolajiyada.

Leave a Reply