Wasiirka Gaashaandhiga oo ka Hadlay Sababtu u  diiday in uu hortago golaha wakiillada

0
397

Hargeysa (Dawan)  Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, ayaa diiday in uu hor yimaado golaha wakiillada oo looga yeedhay, wuxuuna ku sababeeyay in uu hayo sir ciidan oo aanu ka sheegi karin gole furan, balse lagula balamo meel madal xidhan.

Wasiir Caateeye  ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay tahay mid xasaasi ah waxaanu yidhi.”Waa wasaarad xasaasi ah kuna abuuran xeerka kala xadaynta xukuumadda, qodobka 44-aad oo sheegaya in shaqadeedu tahay mid xasaasi ah oo la xidhiidha arrimaha ciidanka Qaranka”.

Wasiirka ayaa sheegay in uu hayo sir ciidan sidaa darteedna, aanu golaha waxba kula wadaagi karin madal furan oo la baahinayo, isagoo codsaday in lagula balamo madal xidhan oo anay warbaahintu goob joog ka ahayn.

Waxaanu yidhi.”Sida ku xusan qodobka 253 ee xeerka ciqaabta guud oo dhigaya, in aan daboolka laga qaadi karin siraha rasmiga ah ee ciidamada awoodna anaaan u lahayn ka wasiir ahaan in xogtaa aan ku bixiyo meel furan oo la baahinayo, waxay iiga yeedheen gole waynaha ana waxan hayaa waa sir ciidan”

Wasiirka ayaa xusay in haddii uu golaha ka hadlo ay suuragal tahay in uu faafiyo sir ciidan oo aanay haboonayn in la baahiyo “Haddii ay gole waynaha iigu yeedhaan mar walba waxa afkayga kasoo baxaya waa sir ciidan, markaa sidaa darteed ayaanu uga joognay oo aanu nidhi waar halayskugu yimaado madal xidhan”.

Xildhibaan Guruuje oo ah madaxa guddida difaaca ee golaha wakiilada, oo wasiirka u jawaabay ayaa sheegay in markii hore ay rabeen in ay guddi ahaan ula kulmaan wasiirka, balse markii uu diiday tiraba 2 baaq oo loo diray, uu guddoomiyaha goluhu gole waynaha uga yeedhay.

Caateeye ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee diida in uu soo ajiibo yeedhmada golaha, waxaana horay u diiday sida goluhu sheegay wasiirka qorshaynta, oo aan kasoo jawaabin tiraba 5 waraaqood oo loo diray.

Leave a Reply