Golaha Guurtida oo loo Qaybiyay Xeerk ilaalinta Xuquuqda Carruurta ee Somaliland.

0
442

Hargeysa (Dawan)  – Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta Somaliland ee xeer Lr- 102/2022, kaasoo kasoo gubday Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida ee Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha Golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha golahaasi waxa loo qaybiyay xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta ee xeer Lr. 102/2022.

Geesta kalena, shir’guddoonka Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa guddoomiyaha guddida shuruucda iyo xuquuqul aadanaha ee golahaasi ayaa ka dalbaday golaha in la horkeeno xeerka ka hortagga iyo xakamaynta ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka, oo ay guddidaasi gacanta ku hayso, si gole weynuhu uu shaqadiisa dastuuriga ah uga guto.

 

Leave a Reply