Akhriso Suuradan markasta oo aad Dareento culays, murugo iyo in aan ducada laga aqbalayn

0
1002

Hargeysa (Dawan) Suurad, ducada uurka, Qur’aanka, markaad waqtiyada qaarkood aad dareentid in aanad riyo wacan arkin oo aanad ku riyoon, ama inaan salaadaada iyo ducadaada la aqbalayn, markaad dareentid ILLAAHEY in aanu kula hadlayn ama aanad dareemin dhadhanka iyo macaanka iyo cibaadada.

Markaad eegtid duruuftaada iyo dhibaatada ku haysata noloshaan ee aad ka fakartid, markaad aragtid in aad dadaalaysid oo tabceysid oo natiijadii aad filaysay aanad helayn.

Markaad aragtid oo aad dareentid arsaaqadii iyo ubadkii inay habsaameen, albaabadii inay xidhmeen, markaad marmarka qaarkood aad isla hadashid oo aad tidhaahdid “ILLAAHEY ducadeyda ma aqbalayo malaha ALLE ima jecla”!! markasta oo aad murugo aad dareentid waxaad xasuusataa SUURADD  DUXA.

Suuradda Ad- Duxaa, waxay kamid tahay suuradaha sha’niga weyn leh, waxay soo degtay goor uu waxyiga ka daahay suubbanuhu (NNKH) sida lasoo weriya.

Waxaana uu ALLE kor ahaaye usoo dejiyey si uu ugu bishaareeyo nebigiisa (NNKH) inaanu deyrin doonin, oo marnaba aanu ka tegi doonin.

Markii uu waxyiga nebiga (NNKH) ku billawday, ayaa xoogay yar laga joojiyey, markaasay gaaladii Qureesheed yiraahdeen ”Muxammad Rabbigiis waa deyriyey oo waa ka tegey”. Markaas bayna soo degtay suuraddan Ad- Duxaa.

INDHAHA FUR OO EEG IFTIINKA | SUURADA DUXA| XUSUUS QOR DHAKHTAR ILKOOD.

Haddaba daawo muuqaalkaan hoose:

Leave a Reply