Berbera (Dawan) Munaasibad ay u qabatay ganacsatada kala duwan ee magaalada Berbera ayaa waxa ka qayb galay guddoomiyha gobalka Saaxil, madaxda kala duwan ee laamaha dawlada iyo qaar kamida ganacsatada la abaal marinaayay, Munaasibadaasna waxa soo qaban qaabisay dawladda hoose ee degmada Berbera.
Duqa degmada Berbera mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin, ayaa sheegay inay sanad walba degmadu abaal mariso dadka cashuurbixinta ugu wanaagsan, isagoo sheegay inay kordhin doonaan dadka la abaalmariyo wixii hadda ka danbaeeya.
Masuuliyiinta kala duwan ee iyaguna ka socoday laamaha dawladda, ayaa bushada u soo jeediyay inay bixiyaan cashuurta ku waajibtay, waxaanay u mahad naqeen siday uwada shaqeeyaan ganacsatada iyo dawladda hoose ee ee degmada Berberi.
Gaba gabadii guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, ayaa boggaadiyay ganacsatada la abaal mariyay.