Hargeysa (Dawan) Qoyska wanaagsan, guurka, lamaanaha, qoys, waxaa sannadahan danbe aad kor ugu kacay xaaladaha furitaanka, burburka Qoyska iyo dayacanka Ubadka, haddaba Qoraalkaan ka akhriso furayaasha guusha Qoyska wanaagsan.
Balse waxaa jira qoysas badan oo Guurkoodii raandhiisay, ama sifiican uhirgalay, waxaana hubaal ah in Guurarka guulaystay ayna bilaash ku guulaysanin, balse uu katalaabsaday dhibaatooyin badan oo sababay in guurar kale oo isaga lamid ahaa ay burburaan.
Hadaba waxaa jira furayaal dhawr ah oo keenay guushaas, waxaana kamid ah:
In laxakameeyo khatarta Carabka
Afdhaafka ama carab dheeridu waxay kamid tahay khataraha ugu waaweyn ee nolosha lamaanaha jug weyn gaarsiin kara.
Hadaba waxaa aad uhaboon inay labada isqabtaa ku dadaalaan siday uxakamayn lahaayeen Carabkooda, gaar ahaan xaaladaha carada iyo xanaaqa.
Hadalka xun ee soo baxa waqtiga xanaaqa lama iloobo, gaar ahaan haduu yahay mid kujeeda reerka ama qoyska ay kasoo jeedo xaasku.
Haddaba Carabku waa xubin yar oo aan laf lahayn lakiin jabin karta laffo xeel dheer, burburin kartana guryo dhisnaa, kalagayn kartana reero aad isu jeclaa.
Indhahaaga nus fur nusna isku xidh
Waxaa lawada og’yahay in marka lays shukaansanayo qofwaliba kudadaalo inuu muujiyo dhinacyada uu kufiican yahay, ama meelaha uu kaqurux badan yahay, si’uu qofka kale isu jeclaysiiyo.
Marka lays arooso kadibna si dhab ah ayaa laysu bartaa, qofwalbana waxaa usoo ifbaxa ceebaha qofka kale.
Rabbina (SWT) ma abuurin qof dhamays tiran, ee qofwalba meelo ayuu kaliitaa, ceebana ka leeyahay, hadaba waxaa haboon inaada beegsanin ceebaha iyo iimaha qofka kula nool ee aad fiiriso, dhinacyada uu kufiican yahay, ka qurxan yahay, kuna amaanto meelahaas isuu kuusii jeclaado. (Waqtiga shukaansiga indhahaaga aad uffur, Guurka kadibna indhahaaga nus xir, nusna fur, si’ay nolosha qoysku uhoramarto).
Raadinta Xal dhex’dhexaad ah
Marka la dhaafo bish Arooska iyo maalmaha macaanka, waxaa bilaabata noloshii dhabta ahayd, waxaana soo baxa dabeecadihii dhabta ahaa, waxaana dhici karta in lakala boodo ama laysku dhoco.
Markaana waxaa aad loogu baahan-yahay, in lawada hadlo laysuguna yimaado meel dhexe, qofwalbana ogolaado inuu katago qaybo kamid ah, waxyaabihii uu jeclaa ama uu rabay siloo adkeeyo jiritaanka qoyska.
Qofka raba inuu helo dhamaan wuxuu jeclaa, waa qof aan dhisi karin nolol qoys, mid bulsho iyo mid urur midna, waxaa layiri waxaa isku bah ah (kaligii noolaade, Kaligii cune iyo kaligii taliye) Ilaahay shartooda hanaga koriyee.
Runtu waa raaxo
Majirto nolol qoys oo kamadhan dhibaatooyin la xidhiidha is faham la’aan ama is eedayn, balse khatarta ugu xumi waa; Beenta, hadal isdaba marinta, Runta oo yaraata iwm.
Taasina waxay keenaysaa inay kalsoonidii yaraato, shakigu bato, wax lakala maqli waayo, halkaana waxaa kabilaaban kara khatar kutimaada jiritaankii qoyska.
Hadaba Beentu waa xaaraan, waxayna keentaa Shakki, kalsooni lumid, waana bilowga xumaan oo dhan, Runtuna waa raaxo, kalsooni, xasilooni iyo raalli gelin Rabbi (SWT).
Wadaaga shaqada Guriga
Guryaha dhismay ama raandhiisay waxay kucaan bexeen cadaalad ku dhaqanka iyo mucaamalo wanaag.
Waxyaabaha jacaylka iyo kalsoonida Qoyska abuurana waxaa kamid ah inuu ninkii lawadaago xaaskiisa shaqada guriga sida: ilmo haynta, cunta karinta, alaab dhaqida, nadaafada guriga iwm, gaar ahaan maalmaha uusan shaqo lahayn, ama uusiiyaba maalin ay iyadu nasato isagu shaqada Guriga qabto.
Taasina waxay abuuraysaa; hawl wadaag, kalsooni lays dhaafsado ilmihii oo farxa markay arkaan aabihii oo hooyo lashaqaynaya iyo Gurigii oo salka dhigta.
Buuxinta baahidii jacaylka/Sariirta
Danaha Guurka waxaa kamid ah inay labadii qof ugutaan baahidoodii Jacayl sixalaal ah oo raaxa leh, haddii taa lawaayana, dhibaato ayaa bilaabata.
Inuu qofkii dareemo inaan baahidiisii ladaboolin ama aan lajeclayn, halkaana waxaa kabilaaban kara fikir xun iyo in lakala niyad jabo.
Taasina waa khattar burburisay bururin kartana Guryo fara badan, waxaana lama huraan ah inuu qofwaliba ogaado inay waajib kutahay, xil adagina kasaaran yahay daboolida baahida jacayl ee lamaanihiisa.
Waxaana Xaq ah inuu qofwaliba isu qurxiyo, isu carfiyo, hadalka umacaaneeyo, kana taabto meelkasta oo lamaanihiisu ku farxayo, si’uu jacaylkoodii usii kobco, usii adkaado.
Haduu taa kagaabiyana wuxuu noqonayaa qof dayacay waajibkii saaraa, kana gaabiyay xilkii ilaalinta ama adkeynta jiritaanka qoyska wanaagsan.
Adeegsiga luqada jacaylka
Bani’aadam kasta wuxuu ubaahan yahay inuu helo ama barto hadallo macaan oo uu dadka kula hadlo, si’uu Bulshada ula qabsado, meel fiicana uga helo.
Qoyskaaga iyo Lamaana-haaga ayaana ugu wanaagsan wax hadal macaan lagula hadlo, nasiib darro Bulshada Somalida way ku yar tahay adeegsiga luqada jacaylka, qaarna waxayba u arkaan wax laga xishoodo.
Haddaba waxaa loo baahan yahay in aad loo adeegsado, kalmadaha: Waan ku jeclahay, waan kaa helay, waan kuu riyaaqay iwm, si’aad lamaanahaaga qalbigiisa farax iyo jacayl ugu dhaliso, reerkaagiina meel fiican ugaarsiiso.
Sidoo kale waa in labadiyo: Salaanta, shuminta, salaaxida, soo dhaweynta iyo ficil kasta oo sii adkaynaya jacaylka lamaanaha.
Taasina waa Xaq uu Rabbi (swt) faray, waxaana kujirta maslada Qoyska, Bulshada iyo Ummada oo dhan, maxayeelay markasta oo reer Muslim ah dhismo guulaysto, Ummadii khayr baa usiyaaday: Markasta oo reer burburana Bulshada waxaa usoo hoyata; dayacan caruureed, dhib waalid, khilaaf beeleed, dagaal qoys, isnac reero isjeclaa, eed iyo hadal xumo fara badan iwm.
Kalsoonida dhaqaalaha
Khilaafka dhaqaaluhu wuxuu kamid yahay dhibaatooyinka ugu khatarsan ee burburiya guryaha, sidaa darteed waxaa loo baahan-yahay in lahelo kalsooni iyo isqancin dhinaca dhaqaalaha, iyo in qorshaha dhaqaalaha ee qoyska loo wada maareeyo siwadajir ah, runtana laga sheego Biilkii meeshuu kubaxay, siwadajir ahna looga fikiro baahida jirta sidii loo maarayn lahaa.
Tusaale ahaan qoysaskii Soomaaliyeed ee qurbaha joogay waxaa burburiyay, baahida jirta, oo waxaa laysku dagaali bishaan hooyaday, Biil halloo diro, maye ani Aabahay baa kadaran ee isagaan udiraynaa.
Waana arin ubaahan oo kaliya in siwadajir ah/ sinaan ah looga fikiro, danta reerkan qurbaha jooga iyo wax kaqabashada baahida Ehelkii gudaha ku hadhay.
Dr. Axmed Cabdullahi