Laascaanood (Dawan) Guddoomiye ku xigeenka hay’adda aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Faysal Jaamac Xawte, oo faahfaahin ka bixiyay deeqaha xukuumaddu ay gaadhsiinayso deegaanada hoos yimaada gobolka Sool, waxaa uu tilmaamay in xukuumaddu raashin gaadhsiisay deegaanka Boocame, taas oo u xusay in laga bixiyay miisaaniyada Qaranka.
Waxa isna halkaasi ka hadlay maayarka Boocame, oo soo dhaweeyay deeqdaasi raashinka ee ay gaadhsiiyeen guddiga abaaruhu.
Waxa uu u mahad celiyay xukuumadda gaar ahaan madaxwaynaha iyo guddiga abaaraha ee Somaliland.
Abaarta ayaa haatan dhamaan wada taabatay shacabka Somaliland ee miyiga, iyada oo meelaha qaar lagaadhsiiyay gurmad, hayeeshee waxa kala badan baahiyii dadka abaartu saamaysay iyo Gurmadka.