Hargeysa: Heshiis laga Gaadhay Cabashadii Dirawaliinta Booyadaha iyo Basaska

0
651

Hargeysa (Dawan) Madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Maroodijeex, ayaa soo gaba’gabaysay cabasho maalmihii u danbeeyay ay wadayaasha booyadaha u dhaamiya magaalada Hargeysa iyo dirawalinta basasku ay ka qabeen qiima korodhka ku yimid shidaalka.

Wasiir wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir guddoomiyey shir ku saabsanaa soo af-jarida cabashadii wadayaasha gaadiidka booyadaha basaska dadweynaha ee salka ku haysay  korodhka ku yimid  qiimaha shiidaalka.

Waxa kulankan goob joog ka ahaa guddiyo ay iska soo xuleen labada dhan ee booyadaha biyaha u dhaamiya magaalada Hargeysa iyo wadayaasha basaska.

Haddaba kulankan oo ay ka soo xaadireen masuuliyiin kala duwan,  waxa shir guddoominayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed,   wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Muuse Selef, agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, duqa caasimada Hargeysa mudane Cabdikariim Axmed Mooge, maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, mudane Maxamed Cali Daarood, guddoomiye ku xigeenka gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud.

Kulankan ayaa gaba’gabadii waxa la iskula afgartay in la soo afjaro cabashada dirawaliinta booyada iyo basaska, iyada oo la isla qaatay sidii bulshada loogu dhudhilahaa maadama lagu jiro xilli adag oo jilaal ah isla markaana abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saameysay ay dalka ka jirto, lagana wada socdo wixii soo kordha , xukuumadduna markasta diyaar u tahay xalinta hadba wixii soo kordha.

“Waxaan maanta ka qayb-galay shir lagu soo afjarayey khilaaf muddoonyinkii dambe ka taagna kor u kaca qiimaha shidaalka, kuwaaso cabasho xoog leh ay ka muujiyeen gaadiid-layda u adeega dadweynaha caasimada hargaysa ku nooli, kuwaaso kala ah Booyadaha biyaha iyo Basaska iskaga goosha xaafadaha caasimada hargaysa.

Shirkan oo ka dhacay wasaarada arimaha gudaha gaar ahaan xafiiska wasiirka wuxuu kusoo dhamaaday jawi degan oo ku dhisan is-afgarad iyo is-faham laga gaadhay cabashadii gadiid-layda basaska iyo booyadaha.

Gaba-gabo iyo gunaanad dawlad ahaan waxaa naga go’an marwalba inaan ka shaqayno wixii Dan u ah shicibkayaga, isla mar ahaantaana ka shaqayno horumarkooda nololeed iyo dhaqaale.”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalka Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin.

Leave a Reply