Wasiirka   Dastuurka oo Furay tabbabar saabsan barasahda Dastuurka iyo wadaniyada

0
593

Hargeysa (Dawan) Waxa tababarkaas bixinaaya Khubaro iyo aqoonyahano reer Somaliland ah, iyaga  oo   siinayaa dhalinyaro gaadhayso 200 oo qof, oo reer Somaliland, waxaana halkaasi ka hadashay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dastuurka iyo xidhiidhka golayaasha Deeqa Cabdi Yuusuf iyada oo tilmaantay inay guul wayn tahay barashada wadaniyadu maadaama aanay ahayn wax marki hore dadka aan labarayn.

Waxay agaasimuhu ku amaantay hawshan maamulka xarunta barashada iyo Dastuur ee wasaaradaas dadaalkaas ay wadaan iyo isu keenida dhalinyaradan kala duwan ee qaadanaysa tababarkan.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda Dastuuska iyo xidhiidhka golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo sheegay hiigsigii wasaaradaas ay lahayd inay muuqato, isagoo xusay inay farxad tahay in dhalinyaradii dalku baranayaan dasduuskii dalka iyo xeerarkiisi.

Waxaanuu sheegay inay markay dhamaystaan tababarkaas ay wax badan iska badili doon kana faa’idi doonaan.

Leave a Reply