Faa’idada Wax-bixinta Iyo Samafalka !

0
709

Maalin kasta qoyskeeda  waxay u diyaarin jirtay quraacda subxanimo. Maalin ayay samaysay xabado roodhi dheeraad ah. Waxay saartay daaqada gurigeeda si uu miskiin baahina uga qaato. Sidaasi ayay markii danbe caado ka dhigatay maalin kasta.

Laakiin maalin kasta waxa qaadan jiray miskiin aad u baahan oo tuur lahaa. Marka uu qaato ayuu haddana erayo aan wanaagsanayn odhan jiray.  Gabadha ayaa aad u dhibsatay hadalada xun ee ninkan ay wanaagga u samaysay leeyahay.

Maalintii danbe waxay goosatay inay sun u mariso si uu u dhinto. Roodhidii ayay sun u marisay laakiin markii ay is tidhi saar daaqada ayay haddana xusuusatay Allah (sw) oo toobada keentay oo ay roodhidii sunta lahayd gubtay. Ka dibna ay u saartay mid aad uga waangsan tii ay hore ugu dhigi jiray, iyadoo ka muroognaysa waxay samaysay.

Maalintii ay sidaasi samaysay ayaa galabnimadii la garaacay albaabkii gurigeeda. Waxaana jiray wiil ay dhashay oo maqnaa oo ay ugu muroogan jirtay si weyn.

Markii ay furtay waxay la kulantay wiilkeedii maqanaa oo hortaagan albaabka oo ay ka muuqato diif aad u daran laakiin roodhi gacanta ku haysta, gaajada haysa awgeed.

Waxaana uu ku yidhi :” Haddii hooyo aanu nin miskiin ah oo tuur lihi i siin roodhidan mabaan soo gaadheen halkan”. Way dhadhimisay mise waa tii ay diyaarisay. Waxay xusuusatay in haddii ay u dhigi lahayd suntii uu wiilkeedu  noqon lahaa kan cuna ee ku dhinta. Weligaa wanaagga ka sheqee.. Iska jaar dhibaatada iyo waxyeelada dadka baahan.

 

Leave a Reply