Wafti ka kooban xildhibaano Ingiriis ah oo Somaliland safar ku yimid

0
317

Hargeysa (Dawan)  – Wafti ka socda Baarlamaanka Dowlada Ingiriiska oo uu hoggaaminayo xildhibaan Gavin Williamson, ayaa safar ku yimid caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Waftiga ayaa markii uu soo gaadhay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa,   waxaa soo gadhweeyay wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud iyo saraakiila kale oo ka tirsan wasaaradda arrimmaha dibbada.

Willamson oo ah xildhibaan u olloleeya qadiyada aqoonsiga Somaliland iyo xildbibaanada kale ee la socda, oo iyaguna qayb ka ah ollolaha aqoonsi raadinta Somaliland ee uu hoggaaminayo Williamson, ayaa waxaa Somaliland ku martiqaaday Baarlamaanka Somaliland.

Casuumada uu baarlamaanku u fidiyay Williamson iyo saaxibadii, ayaa timid kadib doodii ay gadhwadeenka ka ahaayeen ee ay qadiyada aqoonsiga Somaliland ku dhex geeyeen aqalka House of Commonska ee Baarlamaanka Ingiriiska.

Leave a Reply