Xisbiyada Qaranka oo la Kulmay Wefti ka Socda Beesha Caalamka

0
315

Hargeysa (Dawan):- Sadexda Xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID,ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda Beesha caalamka.

Kulanka weftiga beesha caalamka iyo Xisbiyada qaraka dhex maray,ayaa lagaga wada hadlay dar dar gelinta arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE oo lagaga hadlay kulanka Xisbiga Kulmiye iyo dhex maray weftiga beesha caalamka,ayaa u dhignaa sidan. “Xisbiga KULMIYE)-Madax ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo uu Hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la yeeshay wefti ka socda Dalalka FINLAND,SWEDEN,NORWAY,DENMARK oo ay hoggaaminayso safiirka midawga Yurub.”

Dhinaca kale hoggaanka labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID,ayaa kulan la yeeshay weftiga Beesha caalamka ka socda oo shalay soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Qoraal kooban oo  ka soo baxay labada Xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID,ayaa u dhignaa sidan. “Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa kulan la qaatay wefti culus oo ka socday Waddamada Beesha Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo horumarka oo Hargeysa ku sugan. Kulanka waxa  lagaga wada hadlay sidii doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan ee sanadkan 2022 si habsami leh wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, isla markaana loo dardar gelin lahaa dhammaystirka wixii caqabado ah.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii dhakhso loogu bilaabi lahaa hannaanka u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeedii oo ay ugu horreynayso nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo muhiim u ah doorashooyinka.

Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ayaa sida oo kale weftiga oo isugu jira Safiirro iyo madaxda hay’ado kala duwan kala hadlay sidii Beesha Caalamku gacan weyn uga gaysan lahayd gurmadka xaaladda abaaraha ee Somaliland ka taaggan xilligan.

Kulankan ayaa inta badan isku aragti lagaga ahaa arrimaha lagaga hadlay ee abaaraha iyo doorashooyinku udub dhexaadka u ahaayeen, Weftigan ayaa ka koobnaa safiirrada Midawga Yurub, Sweden, Denmark, Finland, Norway, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa iyo saraakiil kale.”

 

 

 

 

Leave a Reply