10% ayaa la Dhimay Cashuurta Maceeshada Dekeduna Waxay Ka Dhaaftay Cashuurtii Koontiinarradda”

0
256

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xukuumaddu ay qiimo dhimis u samaysay ganacsatada dalka keena ascaarta kala duwan.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in si wax loo qabto kor kaca qiimaha ay xukuumaddu cashhuur dhimis u samaysay ganacsatada islamarkaana laga dhaafay cashuurta koontiinarrada, waxana uu yidhi “Waa in aynu wax lasoo baxnaa oo beerannaa cuntadeena, dawladda ahaan arrintaa si aan wax uga qabano waxaanu ka yaraynay cashuurta 10% waxyaabaha muhiimka ah , dekaddana waa laga dhaafay cashuurta kontiinarrada wixii la xidhiidha maceeshada”

Dr Sacad Cali Shirre oo waraysi kooban siiyey telefishanka maxaliga ah ee MMTV ayaa ganacsatada faray in aanay shacabka ku adkayn oo kicin ascaarta islamarkaana ay il naxariisa ku eegaan, wixii cashuur ahaan laga dhaafayna ay ka dhimaan qiimaha ay bulshada ka siiyaan.

Wasiirka waxa uu xusay in caalamka uu kor kacday qiimaha lagu iibiyo maciishada , shacabka iyo dawladdana looga baahan in ay sameeyaan wax soosaar oo ay lasoo baxaan cuntada ay quutaan.

 

 

Leave a Reply