Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo ka Hadlay Shiidaalka

0
577

Hargeysa (Dawan) Gudddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa sheegay in aanay jirin cid kooto loogu xidhay keenista Shiidaalka.

Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in Sicir bararka dalka ka jira uu saameeyay Caalamka oo dhan, waxaana uu intaasi ku daray in Xanuunka Covid 19 uu sababay in ay kala xidhmaan isku socodka Ganacsiga ee Maraakiibta soo qaadaysay Badeecadaha.

Jamaal Caydiid oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Sixirbararka aafeeyay dunida gaar ahaan Somaliland sababaha keenay Xanuunka Covid 19 ayaa waxa uu kala xidhay Caalamka iyo dalalkii Warshadaha lahaa ee wax soo saayay iyo Maraakiibtii soo qaadaysay Koontiinarada, inaguna Somaliland waxa aynu isticmaalno dibada ayay inoogu yimaadaan waxba madhoofino ee wax uun baynu dibada kala soo dagnaa,”.

Jamaal Caydiid ayaa waxa uu sheegay in cidii doontaaba Shiidaalka ku shuban karto Shiidaalka Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaalada Berbera.Waxaana uu yidhi”Ganacsatada iyo cidii doontaaba waa u fasax in Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaalada Berbera in ay ku shubtaan Shiidaalka,cid gaara uma xidhna Trafigura waa keenaa Dahab Shiil haamo gaara ayuu ku leeyahay wuu keenaa Shiidaalka Red sea Sompattorile iyo Xaaji Cali Waraabe,Cashuurta Dawlada ka qaadaysay kiilooga Bariiska 13kun Shilin ayuu ahaa kiilooga Sonkorta 14kun Shilin ayuu ahaa,marka la keeno markab 10 kun tana ama 20 kun oo tana ayay Dawlada wax u noqotaa,”.

Sidoo kale Jamaal Caydiid ayaa waxa uu sheegay in la xadiday Qiimaha shiilka lagu iibin karo.Waxaana uu yidhi”Waxaana loo xadiday qiimo gaara in Kaalinta Shiidaalka aanay saarin foostada wax ka badan,ganacsatada soo dajisa Shiidaalka waxa loo xadiday qiimo gaara in aanu wax ka badan saarin.sixirbararka dibada ayuu ka kacay ee dalka gudiisa kamay ki cin,waxaana Ganacsatada daw loogu leeyahay haduu Gadbada toban kun oo Shilin ka macaashi jiray Daw ayaa Maanta loogu leeyahay in uu shan kun ka macaasho,”.

 

 

 

Leave a Reply