Arsenal oo Man City Kula Loomameysa Xiddig Jooga Horyaalka Italy

0
450

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kula tartanto Manchester City tartanka loogu jiro saxeexa weeraryahanka Inter Milan Lautaro Martinez.

Arsenal waxa ay ku guuldareystay in badalka Pierre-Emerick Aubameyang helaan bishii hore xilligaas oo laacibka u wareegay Barcelona , waxa ayna Gunners u baahan tahay in ug yaraan hal weeraryahan keenaan xagaaga

Ciyaartoyda dhowr ah ayaa lala xiriirinayay inay u wareegayaan Emirates Stadium, oo ay ku jiraan Dominic Calvert-Lewin oo Everton ah iyo kan Real Sociedad Alexander Isak.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Calciomercato, kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa laga yaabaa inay Manchester City kula tartanto Martinez dhamaadka 2022.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Premier League sannadkii hore ka hor inta uusan qalinka ku duugin qandaraas cusub oo uu ku joogo San Siro.

Martinez ayaa 11 jeer shabaqa soo taabtay 29 kulan oo uu saftay Serie A iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply