Kulamada Horyaalka Premier League ee Todobaadkan oo Halis ugu Jira inay Baaqdaan

0
282

Kooxaha kubadda cagta Tottenham iyo Burnley ayaa laga joojiyey inay maanta ka duulaan magaaladooda, waxaana shaki la gelinayaa inay ciyaari doonaan maalinta berri iyo in kale.

Waddanka UK ayay ku dhufteen duufaano sababay in la joojiyo duulimaadyada qaarkood, waxaana da’aya roobab waaweyn oo ay wehelinayaan dabaylo ku soconaya xawaare 100mph saacaddii.

Kooxaha Premier League ayaa u dagaallamaya in loo baddalo qorshahooda safarka iyo duullimaadyada, waxaana lagu soo warramayaa in naadiyo dhawr ah haddaba laga joojiyey duullimaadyadii ay maanta ku tegi lahaayeen magaalooyinka ay berri ku ciyaarayaan.

Malaayiin qof ayaa maanta loo sheegay in aanay guryahooda kasoo bixin, hase yeeshee  kooxaha Tottenham iyo Burnley ayaa iyaguna gelaya xaalad kale oo halis ah, waxaanay ku safrayaan basas saacado badan qaadan doona, kaddib markii loo sheegay in diyaaradaha la joojiyey.

Tottenham ayaa u safraysa magaalada Manchester oo ay ku sugayso Manchester City oo garoonka Etihad Stadium ay ku ballansan yihiin, halka Burnley ay iyaduna u tegi lahayd Brighton.

Tababare Antonio Conte ayaa la sheegay inuu go’aan ka gaadhayo, in kooxdiisu ay maanta safar bas ah ku tagto magaalada Manchester iyo inay sugaan in cimilladu yara hagaagto si ay u duuli karaan.

Dawladda ayaa soo saartay warbixin ay kaga digayso safarrada, waxaana meelo badan laga soo saaray digniinta khadka cas ee ka joojinaya dadka inay bannaanka usoo baxaan.

Duufaantan ayaa la sheegay inay tahay middii ugu xumayd ee UK ku dhufata muddo ka badan 30 sannadood.

Leave a Reply