Ralf Rangnick oo Kabtanka United ka Beddelaya Harry Maguire & Xiddiga uu u Doortay

0
277

Ralf Rangnick ayaa ka dalbaday Harry Maguire in uu iska casilo kabtanimada Manchester United isaga oo xasuusiyey in dhibaatada ay kooxdu ku jirto ay qayb ka tahay masuuliyadda kabtanka sidii xalka lagaga baxayo loo keeni lahaa.

Harry Maguire ayaa xilli ciyaareedkan dhalleecayn bada la kulmaya, waxaana uu awoodi la’yahay inuu sare isku soo qaado oo uu muujiyo ciyaartii fiicnayd ee looga bartay labadii sannadood ee  hore.

Laacibkan oo £80 milyan oo Gini ay sannadkii 2019 Man Unitedkaga soo iibsatay Leicester City ayaa uu Ralf Rangnick u sheegay in awooddiisa hoggaaminta kooxdu aanay gaadhsiisnayn heerkii laga doonayay, waxaana uu u sheegay in masuuliyadda uu iska dhigo.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in uu tababaruhu u doortay inuu noqdo kabtanka cusub ee Manchester United, kaas oo isagana hore loogu dhalliilay qaab ciyaareedkiisa iyo sida uu u dhaqmo marka ay kooxdu ku jirto xaalad adag.

Cristiano Ronaldo ayuu warku sheegay inuu saamayn badan ku leeyahay qolka labbiska marka la barbar-dhigo Harry Maguire, waxaana uu garab weyn ka haystaa ciyaartoyda ay ka mid yihiin Marcus Rashford, Anthony Elanga, Jadon Sancho iyo Diogo Dalot.

Manchester United oo Axadda la ciyaaraysa Leeds United oo ay ugu tegayso Elland Road ayay wararka qaarkood sheegayaan inay suurtogal tahay inuu hoggaamiyo kabtan cusub, hase yeeshee Ralf Rangnick oo Jimcaha maanta warbaahinta la hadli doona ayaa soo qaadi doona haddii uu go’aankan si degdeg ah u hirgelinayo iyo haddii uu fursad kale siinayo Harry Maguire.

Leave a Reply