Shan Qof oo ku Dhaawacmay shil Gaadhi oo ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo.

0
478

Ceerigaabo (Dawan) – Shil gaadhi oo ka dhacay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sababay dhaawaca shan qof.

Shilkan gaadhi ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo mid kamid ahi ahaa Vx Calaawi iyo mid kamid ah gawaadhida ciidamada Booliska ee kaantaroolka galbeed ee magaaladda Ceerigaabo.

Dhaawacyadda ka dhashay shilkan ayaa ah kuwo fudud, marka laga reebo hal qof oo koobo ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here