Shirkadaha isgaadhsiinta ee ugu waa weyn Somaliland oo gaadhay heshiis layskugu furayo khadka

0
554

Hargeysa (Dawan)  – Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gaban gabiysay heshiis layskugu furayo khadadka telefoonada labada shirkadood ee ugu waa wayn dhinaca telefoonada iyo isgaadhsiinta, ee Telesom iyo Somtel.

Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qof haysta Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom na uu awoodi doono in uu waco qofka haysta Kaadhaka Somtel.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku howlan qorsheyaal ay wax kaga dhaxaysiinayso shirkadaha kala duwan ee is gaadhsiinta.

Waxaana sidoo kale maalmo ka hor lagu heshiiyay in la sameeyo khad Internet ah oo ka dhaxayn doona Shirkadaha Somtel, Telesom, Somcable iyo xukuumadDa oo saami ku yeelanaysa.

Hoos ka akhriso wareegtada heshiiska shirkadaha Somtel iyo Telesom oo dhamaystiran:-

Leave a Reply