Jimcsiga iyo Faa’idada Caafimaad ee Xanuunada

0
361

Cilmi baadhiso la sameeyey ayaa lagu sheegay in jimicsiga jidhka ee dadku sameeyaan ay ka wanaagsan yihiin dawooyinka la isticmaalo, gaar ahaana dadka qaba xanuunada wadno xanuunka iyo faaliga sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska caafimaadka wax ka qora ee British Medical Journal.

Warbixintaasi ayaa cadaysay in natiijadani soo baxday ka dib markii lays bar bar dhigay wax tarka dawooyinkan iyo jimicsiga dadku sameeyaan, iyada oo la soo qaatay intii daraasadaasi lagu jiray dawooyinka caanka ah ee Statins iyo Beta blockers oo ay qaataan dadka bukaanka ah ee uu hayo wadno xanuunka iyo faaligu.

Cilmi baadhistan oo uu horkacaayey nin lagu magcaabo Huseyin Naci oo ka tirsan London school of Economics and Political Science iyo jaamacadda caanka ah ee Harvard Medical School oo qayb ka mid ah jaamacaddaasi Harvard ah, sidoo kalena waxa uu ka mid yahay US colleagues of Stanford University School of Medicine.

Cilmi baadhayaasha ayaa sahamin ku sameeyay 340,000 oo bukaan ah iyaga oo mar kasta is barbar dhigayey dawooyinka ay qaataan iyo jimicsiga ay sameeyaan, sidoo kalena la socday xadiga dhimasho ee ay dawooyinkaasi keenaan.

Cilmi baadhayaasha waxa kale oo ay heleen 305  xaaladood oo kala ahaa ,xanuunada macaanka, wadane Xanuunka iyo faaliga oo dhamaantood hoos u dhacay.

Waxaanay ku sheegeen warbixintaasi in jimicsigu aad uga waxtar badan yahay madaama ay saamayntiisu yar tahay kana waxyeelo yar yahay marka loo eego dawooyinka. Dr. Amy Thompson oo dhakhtar wadnaha ah, kana tirsan Ururka Brithish Heart Foundation oo ka mid ahaa cilmi baadhayaasha  ayaa yidhi :”Waxa jira cadaymo xadidan oo aanu helay markii aanu wadnay hawsha daraasada taas oo muujinaysa faa’iidooyinka jimicsiga iyo kuwa dawooyinka oo aan sidaasi u kala fogayn ama aan waxba is dheerayn,laakiin dhinac waxyeelada ayay isku dhaafeen”.

Leave a Reply