Wasiirka Qorshaynta   oo daahfuray kulan hawleed lagu gorfaynayay diyaarinta qorsahaha saddexaad ee horumarinta Qaranka.

0
528

Borama (Dawan)  – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee Somaliland ayaa daahfuray kulan hawleed lagu gorfaynayay diyaarinta qorsahaha saddexaad ee horumarinta qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka,  Mudane Cumar Cali Cabdillaahi, oo ay weheliyaan guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane Maxamed Axmed Caalim Tiinbaro, iyo Maayirka Degmada Boorama, Mudane Maxamed Axmed Baradhe, ayaa maanta furay kulan hawleed lagu falanqaynayay diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Saddexaad, kaasoo ay badhtanka ugu jiraan diyaarintiisii. Sidoo kale, shirkan waxa lagu falanqayn doonaa bilaabista shirarka wada-tashi ee gobollada ay ku soo bandhigi doonaan mudnaanatooda horumarineed ee gobol ahaan; kaasoo bilaabmi doona ayaamaha soo socda.

Wasiirka qorshaynta qaranka ayaa sheegay in qorshahani marka uu dhammaado ay maamul daadejin ku samayn doonaan, isla mar ahaantaana ay gaadhsiin doonaan guud ahaan degmooyinka iyo gobollada dalka.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaaradda Qorshaynta Xuseen Xasan Caydiid iyo isu duwaha wasaaraddaasi ee gobolka Awdal Cabdillaahi Iid Ibraahin ayaa sheegay in kulanki uu socon doono muddo saddex cisho ah, isla mar ahaantaana lagu diyaarin doono qorshaha saddexaad ee qaranka, iyagoo u mahadceliyay wasiirka iyo mas’uuliyiinta gobolka.

Leave a Reply