Jaamacad Caalamiya oo Shahaado Sare Guddoon Siisay Wasiir Koore

0
491

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo Jaamacadda Smart International Colleg guddoonsiisay shahaadada sare ee Phd, Honorable doctorate Digree.Jaamacaddan Smart International College oo xarunteeda guud tahay magaalada London ee cariga Ingiriiska balse faracyo ku leh dalalka Turkiga,Masar, Liibiya, Siiriya Algeriya iyo dalal kale oo caalamka ku yaalla.

Xildhibaan Guuleed Warsame oo ka tirsan golaha Wakiilada oo Jaamacaddani u soo wakiilatay ayaa guddoonsiiyey wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Xildhibaan Guuleed oo warbaahinta kula hadlayey xarunta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta ayaa sheegay in haamacaddani wasiirka ku maamuustay sidii wanaagsanayd ee uu Qaranka ugu soo shaqeeyey iyo halgankii nololeed iyo Qarameed ee uu umadda Jamhuuriyadda Somaliland u galay.

Waxaanu intaasi ku daray in shahaadadani muujinayso mihiimadda ay leedahay in la xuso dadka Qaranka iyo bulshadaba kaalinta mihiimka ah ugu jira.

Xildhibaan Guuleed Warsame ayaa sheegay in Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo wacyigalinta JSL uu illaa iyo 1991-kii Qaranka kaalin mihiim ah ugu jiray xilal kala duwanna bulshadan u soo qabtay.

Dhiniciisana, wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland, mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa u mahad celiyey Jaamacadda Smart International College iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay sharfidan sare iyo shahaadadan Phd-da ah.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay inaanu filayn balse lagu abaal mariyey waxyaabo uu Qarankan u soo qabtay. Waxaanu xusay in waraysi uu bixiyey oo uu ku sharaxay in goobtii uu waardiyaha ka ahaa uu wasiir ka yahay ay ummad badan oo caalamka ah soo jiidatay dadyow kala duwanna ka falceliyeen, tani ka mid tahay saamayntii uu hadalkaasi yeeshay.

Leave a Reply